|
WARARKA BARAAWEPOST Sabti 19 january 2007
TALOOYIN IYO WAANO KU SOCOTA SHACBIGA REER BARAAWE
Waxaan Awalan Shacbiga reer Baraawe u dirayaa salaan iyo
duco. Anigoo hadda halkan ku heynin maqaal ama qoraal dheer waxaa lakiin aan
aad iyo aad jecleystey oon u riyaaqey labada Qoraal oo aan Website ka
Baraawepost
ka aqristey oo ay qoreen Drssa. Isha Suldan Cumar Suldaan Faqi Xaji Awisa iyo
Mudane
Dr. Hassan Cabdow Munye.
Waa iska caadi Haddii Guriga ay ka wada maqanyihiin Aabihii iyo Hooyadii
Ciyaalka Yac dhihii lahaa ay ka suurtowdo in ay waxey doonaan ku kacaan.
Waxaan aniga ogahay in Bulshaweynta Baraawe ay heystaan Dad aad wax u soo
bartey oo la yaqaano Darajooyin iyo magac ku leh Bulshada Baraawe Gaar
ahaan ama guud ahan Waddanka iyo Caalamkaba. Dadkaasi waxey bulshada ka
filanaayeen in ay door weyn ka ciyaaraan hanashada ama ba ka dhex abuuraan
bulshada reer Baraawe kalsoonidii ka luntey.
Anigoo dooneyn hadda in aan magacaabo odeyaashaas aan faraha lagu tirin karin
ee wax u soo bartey in ay hoggaan u noqdaan Bulshadooda haddana ka maqan Doorkii
laga rabey in ay ka ciyaaran Horumarinta Shacabka ayaa haddana waxaad mooddaa
in laba ka mid ah dadkaasi ay hadda ka damqadeen waxa ka dhex guuxaya
ciyaalkooda dhexdooda waa wax aad idinka kasbateen.
Waxaan Haddaba idin sheegayaa waa Odeyaasha iyo waxgaradka in ay hurdada
ka toosaan oo hogaanka u qabtaan wiilashan tusiyana wadada toosan si loo
helo berito rag iyo dumar idin bedela walaahi haddii kale halis baan ku
suganahay.
Aawey
saraakiisheenii Darajooyinka sare lahaa, Daqaatiirtii, siyasiyiintii, Duuliyeyaashii,Garsooreyaasha
sharciga,Engineeradii, Maalqabeenadeenii Soomaliya Magaca ku lahaa ee ku
abtirsada reer Baraawe. Inta dhimatey allaah ha u naxariistee intiina nool wax
weyn baad ka beddeli kartaan Nolosha maanta ay ku jiraan mujtamaciina oo
dhan walba leh Xagga siyaasadda, Dhaqaalaha iyo dhaqankaba oo
cashuurtii iyaga laga qaadey aad wax ku soo barateen
ma iska seexateen...maya maya ka kaca Hurdada ilaahey ha idin garabgalee
anaga waa idin la jirnaa.
Wabilaahi
Towfiiq
Waxaa
Qorey : Hassan Ali Shegow
|