WARARKA BARAAWEPOST Sabti 15 march 2008 Dalqadihii Dhammaadeen Caruurna Way Dhalaan! بِسْمِ اللهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيْمِ الْحَمْدُ للّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ والصَّلاةُ والسَّلامُ عَلَى نَبِيّناْ مُحَمَّدٍ وَآلِهِ أجْمَعِيْنَ. Furrinku Ma Fududa Ee Intaadan Falin Ka fiirso Waxaa in muddo ahba noqotay arin iska caadi ah in furriinku uu noqdo sida kubad hadba dhinicii la doono loo laado. Kolna islaantaa tiraahda ifur kolna odaygaa yiraahda waan ku furay muddo yar kadib kolka ay dalqahaha dhammaadaan ayaa waagu ku beryaa kolkaa bay waxay bilaabaan calaacal iyo qiil yaa inoo haya, Sh hebel inoogu yeera IWM. Ha ogaadeen dumarka ka caada-dhigtay kolka laba eray lais dhaafsadaba ku dhawaaqa I fur in halis ay u tahay arintaasi inay seejiso jannadii Alle SW. Siduu Rasuulku SCWW uu yiri: أيما امرأة سألت زوجها الطلاق من غير بأس ، فحرام عليها رائحة الجنّة / رواه أحمد وغيره / صحيح . صحيح الجامع / 2706 (( Haweenay kastaa oo ka dalbata seygeeda (ninkeeda , Odaygeeda ) furriin dhib la’aan, ( iyadoo haba yaraatee wax dhibaata ah aan ku qabin odaygeeda oo sidaa furriin ku dalbataa ) waxaa ka xaaraam ah carafta jannada )). Labadii shalay aan is arki karin ee warkoodu u badnaa ifur iyo waan ku furay ayaa kolkii ay dalqadihii ka dhammaadeen baa shaydaan is jeclaysiiyaa si ay dabankiisa ugu dhacaan. Oo shalay ninkii guriga laga eryi jiray isagoo meher xalaal ah ku jooga ayaa maanta isagoo dalqadihii ka dhammaadeen gogosha lagu soo dhawayn! Waxyaabaha ay ku andacoodaanna waxaa kamid ah: 1- Marka aan furaayay waan caraysnaa. 2- Waan kula kaftamaayay 3- Waxay igu tiri i fur 4- Waxaan ku iri haddaadan sidaa yeelin ama aad sidaa yeesho waad iga furan tahay. 5- Way I qasabtay. IWM Jawaabtii oo kooban 1- Midda hore ee ah: Marka aan furaayay waan caraysnaa. Haddaad caraysnayd ma waxaad furi lahayd xaaskaaga adoo faraxsan? maxayse tahay xikmadda ka danbaysa in sadex dalqadood lagu siiyo? Kolka adiga ayaa ku gabood falay oo ceshan waayay dalqadahaagii ee cidna ha eedin. Waxa kaliya ay culimadu kasoo reebaan qofka caradu ay ka tan badiso ee uusan kala garanayn waxa uu ku hadlayo. Kolkuu lahaa waan ku furay hadduu garanayay inuu eraygaa ku hadlay way furmaysaa. Waxaase dhacda isagoo caadi ah intuu furo uu haddana ku andacoodo waxba ma aanan kala garanayn. Ninkii sidaa yeela waa qof xaaraam u bareeray hadday iyadana been uu maleegay ay ku waafaqdana waa isku danbi. 2- Midda xigta ee ah : Waan kula kaftamaayay. Rasuulku SCWW wuxuu yiri: ثلاث جدّهن جد وهزلهن جّد: النكاح ، والطّلاق ، والرّجعة . رواه أبو داود وغيره عن أبي هريرة / حسن صحيح الجامع / 3027 Sadex dhabtoodu waa dhab kaftan kooduna waa dhab: Nikaaxa, Furriinka Iyo Soo ceshoshada /Sida Rajactu inuu qofku yiraahdo oo kale kolka uu xaaskiisa furo dabadeed haddii ay dalqadaha wax uga harsan yihiin. Tusaale ahaan haddaad nin ku tiraahdo gabadhayda ayaan ku siiyay iyadoo raali ay ka tahay ninkaa uu aabaheed uu siiyay kadibna uu aqbalo ninka gabadhaa lasiiyay sida inuu yiraada oo kale Qabiltu, waxaad ogaataa waa sidaad u siisay ee majirto wax la yiraahdo kaftan bay iga ahayd iyo wixi lamid ah. Furriinkkana waa sidoo kale dhab iyo dheelba way furmaysaa. Haddaad soo ceshatana adiga oo dalqadihii wax kuu laaban yihiin waa sidaad usoo ceshatay. 3- Midda sadexaad ee ah waxay igu tiri I fur: Waxaan shaki lahayn in arinta ah waxay igu tiri: I fur kadibna aad furtay inaadan haba yaraatee aadan u helayn wax cudur daar ah oo kuu soo celin kara dalqaddii aad amarkeeda ku bixisay. Maxaa yeelay dalqadaha adaa leh waxayna ahayd inaad ku mintiddo. 4- Midda afaraad ee ah Waxaan ku iri haddaadan sidaa yeelin ama aad sidaa yeesho waad iga furan tahay. Kolba hadduu shardigii uu fulo niyadna ay wehliso way furmaysaa sida ahlu cilmigu ay ka warameen. Sidaa darteed taana qiil looma hayo. 5- Midda ugu danbaysa oo ah: Way I qasabtay. Waa midda kaliya ee wax cudur daar ah loo helayo ninka lagu qasbay inuu furo xaaskiisa sida uu rasuulku SCWW uu yiri: لا طلاق ولا عتاق في إغلاق رواه أحمد وغيره عن عائشة / حسن .صحيح الجامع / 7525 Furriin Majiro Xorayna Majirto Qasab Ah Waxaase ilaa xad laga doodaa qadarka uu la’eg yahay qasbiddaa ninka la qasbay. Ma dil buu ka baqay ama wax ka sokeeyaba. Waxa kale oo ay culimadu aad uga hadlaan sadexda dalqadood oo hal mar uu ninku xaaskiisa uu ku furo madhacaysaa sadexdaa dalqadood mise hal baa laga soo qaadayaa. Waxay kaloo ka doodaan kolka ay caadada qabto hadduu ninku xaaskiisa furo ma dhacaysaa dalqadaasi mise dhici mayso. Jamhuur Ahlul-cilmi oo ay ka mid yihiin afarta aimada madaahibta. Abuu Xaniifah, Maalik, Shaafici, Iyo Axmad waxay qabaan inay dhacayso dalqaddii lagu furay iyadoo aan daahir ahayn. Qaar Culimada kamid ahna way diidaan oo waxay yiraahdaan madhacayso. Waxaana kamid ah culimada sidaa qabta Ibnu-taymiyah RC Ajmaciin. Sideedaba arintani waa hawl u baahan xeelad iyo farsamo ay wehliso waaya-aragnimo dheeraad ah. Soomaali waxay ku maahmaahdaa: Afeef Hore Lahow Ama Adkaysi Danbe yeelo Haddiiba aadan kolkii horeba naftaada u cudur-daarin oo aadan runta u sheegin kuna qasbin inaad xajiso marka danbe waxba ha calaacaline adkayso ee adigoon qiil iyo maxlal xaaraam ah aadan raadin orod oo mid kale doono. Haddiise aad diido waxaad ogaataa inaad xaaraam kala tihiin ilaa haweenaydaasi uu guursado nin kale kadibna khiyaarkii uu u furo ama uu geeriyoodo ninkaa guursaday. Cidda maamulka gacanta ku haysa hadduu warkaasi soo gaaro waxaa waajib ku ah isla markiiba inay idiin kala kaxayso. Maxaa yeelay islaamku ma yaqaan wax layiraahdo boyfriend and girlfriend. Waxaa kaloo Waajib saaran ah xukuumadaasi islaamiga ah in haddii ay caddaato inaad isu galmooteen caddaynna loo helo arinkaasi sida uur uu iska cad yahay in dalqadaha dabadeed ay qaaday ama qirasho IWM lana waayo wax cudur-daar ah oo arintaa idinku kalifay oo aad si ula kac ah aad khiyaarkiinna u samayseen xadka inay idinka oofiyaan. Xadkaasina waa dhagax in laydinku dilo maadaama aad tihiin dad horay u guursaday waxaana laydiinku aasayaa qubuuraha muslimiinta. Haddiise aad xaalashataan oo aad tiraahdaan maxaa ka macna ah yurub baa lajoogaa, goormee waxaa laga tegay IWM amaba dal islaam ah adigoo joogaba aad tiraahdo xalaal bay inoo tahay, xad laydiinka oofin mayee gaalnimo ayaad ku dhacdeen sidaa darteed xukuumaddu waxay idiin soo bandhigaysaa inaad ka laabataan oo aad ka towbad keentaan gaalnimadaa aad ku dhacdeen haddaad aqbashaan xad baa laydiinka oofin qubuuraha muslimiinta ayaana laydiinku aasi haddiise aad ku adkaysataan gaalnimada ah waa inoo xalaal xad laydiin kama oofinayee gaalnimo ayaa laydiin dilayaa qubuuraha gaalada ayaana laydiinku aasayaa.والعياذ بالله Haddiise xukuumad aan islaami ahayn aad sidaa kuwada joogtaanna oo cid wax idinka qabataana la waayo ilmihii sidaa ku dhashaa waa garac ama wacal waxaad tiraahdaba axkaam gaar ah baana arinka ilmaha sidaa ku dhasha ka ratibmaysa. Waxaana kamid ah: 1- Inaan laguu tiirinaynin oo aan laguugu abtirinaynin ilmaha sidaa ku dhshay sidaa darteed hooyadii iyo wixii kale ee la doono baa loogu abtirin oo waxaa loogu yeeri ina heblaayo IWM. 2- Dhaxalkaaga inuusan waxba ku lahayn ee uusan la qaybsanayn caruurta kale ee aad meher xalaal ah ku dhashay. IWM oo axkaam ah. haddii aadan xalaashan arinkaa munkarka ah kolka aakharo la tago arintiinu Allay u taalaa. Hadduu doono wuu idiin cadaabi hadduu doonana wuu iska kiin cafin. Siduu Alle SW uu yiri: إنّ الله لا يغفر أن يشرك به ويغفر ما دون ذالك لمن يشآء / الآية * / النسآء /48 و 116 Alle (SW) ma dhaafo in loo shariik yeelo ( Oo cibaadadiisa wax lala wadaajiyo ), wuuna dhaafaa wixii intaa kasoo hara qofkii uu doono.وبالله التّوفيق وصلّى الله وسلّم على نبيّنا محمّد وآله أجمعين.
WQ: Cali-Daahir X Muxammad
|