WARARKA BARAAWEPOST Khamiis 23 Julyn 2009

Tartankii Cayaaraha xagaaga ee EUROSOM oo sannnadkan 2009 ka furmay magaalada Gothenburg ee dalka Swden.

waxaa shalay oo taariikhdu ahayd 22 bisha july si habsami ah uga furmay garoonka Heden ee ku yaal magaalada Gothenburg oo ah caasimadda labaad ee dalka sweden tartankkii sannadkii marba la qabto xilliga xagaaga ah ee EUROSOM.

tartanka oo ay sannadkan ka soo qaybgaleen siddeed kooxood oo ka kala socota dhowr waddan oo ku yaal qaaradda Yurub ayaa waxaa furitaankiisa hadala ka soo jeediyay qaar ka mid ah guddiga qabanqaabada ee EUROSOM 2009 maddaxda ururuka EUROSOM,qaar ka mid ah madaxda magaalada Gothenburg iyo taliyaha booloska ee gobolka iyo marti sharaf kaleba ayaa waxaa intii aan la bilaabin furitaanka waxaa goobtii ay ka dhacaysay xafladdu si kedisa ah oo aan horey loo shaacin ku soo booqday wasiirka caddaalada ee DFKMG mudane Janaqaooq kaasoo beryahanba booqashooyin kala duwan ugu tagaya Jaalliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalooyin ku yaal qaar ka mid ah waddamada Sacdinavianka.

Sidoo kale waxaa habeenamadii talaadada ahayd taariikhduna ahayd 21 july lagu qabtay restaurantiga Kvibergs kantin xaflad soo dhoweyn iyo is barasho ah oo loo qabtay ka qaybgalayaasha EUROSOMN 2009.

Shabakada warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho webmaster@baraawepost.com