Xafladdii Furitaanka dugsiga Sheekh Khaasim Al-Baraawi

 

Xaflad aad oo ballaran ayaa ka dhacday magaalada Baraawe 22 Jan 2006

Xafladdaasoo lagu furayay dugsiga Sheekh Khaasim Al_Baraawi oo dib habeyn lagu sameeyay.Xafladdaas oo ay ka soo qaybgaleen Dadyow fara badan, Maamulka, Culumaa'u diinka, Indheergaradka, Aqoonyahanada, Dhalinyarada & Ururka haweenka ee degmada Baraawe.

Waxana aad ay ugu riyaaqeen waxbarasha la'aanta ka jirtay degmada oo maanta fureheedii koowaad la helay waxaana  dugsiga wax ku barta haatan 300 oo arday

 

Waxaa xafladaasi & aasaaska dugisgaba soo diyaariayay Mr, Cali Maxamud Sheegow (C. Marduuf) isagoo garab wayn ka helay dadka deegaanka Gaar ahaan Maamulka Waxbarashada Degmada, Odayaasha, Maamulka Degmada iwm Waxaana Maalgeliyay Dugsiga Urur la magac baxay CED Center for Education and Developmen oo ay maalgelisay Novib oo ah hayad Netherland  ah iyo Urur kale oo lamagac baxay BIRDO Brava Integrated Rural Development and Organization oo isna maalgeliyay xubnaha ururka  kaasoo ah urur cusub oo hadda laga aasaasay Degmada Baraawe looguna tala galay inuu ka shaqeeyo danaha guud ee deegaanka waxaana madax ka ah Mud cali maxamuud Sheegow. Ururku  wuxuu dayactiray 4 Qol & 40 kuraas & 40miis  hayadda CED waxay dayactireen 4 Qol 45 Kuraas & 45 Miis. Waxaana qudbado ka soo jeediyay Furitaanka Xaflada Dugsiga Eng Cali Axmadunaa Munye oo ah Gudoomiyaha waxbarashada Deg-mada, Cali Maxamud Shegow (Marduuf) ku xigeenka gudoomiyaha waxbarashada ahna Madaxa ururka BIRDO, Diinki Sheekh Xasan, Nabadoon Saydinaa Xaajiyow Nuurki Samadoon Aways Shooble Nuur Waxaana hadda wax lagu bartaa 7 Fasalwelina waxaa dayactir loo layahay 4 Qol .

Haddaba cid allaale iyo ciddii rabta inay tabaruc u fidiso dayactirka qeybaha dhiman ee dugsiga waxay la soo xiriiri karaan maamulka baraawepost oo ay kala soo xiriiri karaan cinwaankan: postmaster@baraawepost.com ama Cali Maxamuud Sheegow oo ay kala xiriiri karaan alimarduuf303@hotmail.com  ama alimarduuf303@yahoo.com (Mobile No- 00252-1-271390)  ama birdo_brv@yahoo.com

Codsi Taakuleyn oo ku socda bulshoweynta reer Baraawe  (RIIX)