WARARKA BARAAWEPOST Sabti 19 january 2007
KU:Ciddii ay quseyso Baraawe 28/11/2007
Ujeeddoo: Arrin wax ka qabasho u baahan si deg deg ah: Sidaa aad ula socotaan Degmada Baraawe waa degmo Qaddiim ah oo xadaarad leh,waxay degmada ku taala dhinac xeebta,waxay leedahay xeeb aad u dheer oo dalxiisa ahaan loo imaan karo dhinacyada kala duwan.. Degmada Baraawe dhinacA xeebta waxaa ka dhisan guryo sy leeyihiin dad masaakiin oo dan yar ah ilaa 1.5 Kilomter oo dherer ahaan ,waxaa sanno kasto bilaha Juun ilaa Setember,ay biyaha badda markii ay buux dhaafaan ay dumiyaan guryaha saaran xeebta qiyaas ahaan ilaa 30 mitir oo hore guriyo ka dhisnaa jirey ayaa xoogga biyaha badda dumiyeen guriyahaas ,sababto ah wax difaac ama darbi biyahaas celinaayaa kuma dhisno. Sidaas darteed arrinta hadda dadkaas haysato waa arrin loo baahanyahay in si deg deg ah gacan lagu siiyo oo wax loo qabto haddii ay noqoto dhiso darbi celinaayo biyahaas badda oo Qatar iyo cabsi weyn ay ku suganyihiin dadkaas masaakiinta guriyahaas qarkooda hadda way u jiraan ilaa 2 mitir kali qof kasto indhahiisa waa ku arki karaa ,waxaa kale halkan aan ku lifaaqay sawiro muujinayaa dhibaatadaas dadkaas haysato oo biyaha badda sida maalin kasto badda u jibiso buurta iyo waxa kale aan halkan idinku soo muujineynaa dadweyaha hadda guriyahooda badda saarantahay magacyadooda iyo kuwa kale oo fara badan oo mar hore guriyahood ka barakeyn waqtiyada hore. Sidaas darteed,waxaan warqadatan u soo qoray cid kasto oo ay quseyn karto in arrinta qatarta leh wax ka qabato . F.Gaar ah:Waxa kale idin soo xasuusineynaa guriyaha badda u jirto laba mitir waxa ka sii dambeyaa guriyo kale oo gadaashooda ka dhisan ayagana waa sidaas oo kale cabsigii way qabaan,qiyaas ahaan dadkaas waa laba jibaar ah tiro ahaan marki loo eego. Mahad Sanidihiin. Waxaa diyaariye Mudane Baazi Muunye Nuur (Gandeela) BaraaweTelefano 62275901 ama 208309 ama 208050 Email: Qaasim1@yahoo.com
halkan ka aqrista guryaha ay arrintaasi quseyo iyo sawiradaba (RIIX)
|