WARARKA BARAAWEPOST Khamiis 31 JANUARY 2008
Asalamu Calaykum Waraxmatullahi Wabarakatu Waxaan halkan ugu hambalyeynaya dhamaan dadkii ka soo shaqeeyey horumarinta waxbarashada iyo furitaanka dugsiyada ka jiraan magaalada Baraawe. Sida aad la socotaanba waxbarashada waa wadada keliya ee lagu horimarin karo ummadda. Runtii aad baan ugu farxay furitaanka Dugsiga Sare ee Sheikh Maxamud Wacays ee laga furay Baraawe. Waa talaabo horumar leh oo mudan in la taageero. Waxaan barnaamijkan dugsiga ka akhriyey websitka www.baraawepost.com , waana ku farxay waxii ku qornaa oo ahaa in dugsigan uu yahay dugsigii 4aad ee laga furo degmada. Waan ognahay in horumarkan oo kale weligiisa la gaarin waqtigii ay jireen dawladihii soo mareen Soomaaliya. Degmada Baraawe waxaa ka furnaan jireen dugsiyo aad u tiro yar oo public ahaayeen. Lacagta dugsiga lagu dhiganayo waa iska macquul qoyskii ka bixi karo, iyo waxaa farxad leh deeqda waxbarashada ee loo fidiyey caruurta agoonta ah. Dhamaan jaaliyadda reer Baraawe ee ku nool gudaha iyo dibadaba waxaa la faraya in ay ka qeyb qaataan horumarinta iyo taakulaynta mashruucaan waxbarasho ee haadan socda, ayna ka qeyb qaataan in deeq waxbarasho ay u fidiyaan ardayda ka dhalatay qoysaska saboolka ah ee aan awoodin in ay caruurtooda u helaan waxbarashada ka socota degmada Baraawe. Halkii qof wuxuu deeq waxbarasho (Scholarships) u fidin karaa ilaa 15 arday sanadkiiba, taasina waxay idin noqon doontaa "Sadaqatu-Al-Jaariya" oo weligiinaba idin socota ajarkeeda, xitaa waxaa loo niyeesan karaa ajarkaasi waliidiintayna iyo walaalahayna naga dhinteen. Taageeridda waxbarashada keliya kuma eka dugsiga Sare Sheikh Maxamud Wacays, waxaa la idinka rabaa in dugsiyada kalena ee hore u furnaayeen sidaasi oo kale loo taageero, sida dugsiga Sheikh Qaasim Al-Baraawi iyo dugsiyada kale ee ka jira degmada Baraawe. Insha-Allah marka ay ardayda dugsiyada ka soo qalin
jebiyaan waxaa loo fidin doonaa waxbarasho heer Jaamacadeed, horaa loo sheegay
in la siin doono waxbarashada Jamacadda Muqdishu "Muqdishu
University", Aniga waxaan idinku bishaaraynayaa in ardayda sidoo kale
loogu deeqi doono waxbarasho heer Jaamacadeed oo ku soo dhaweyn doonto
Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya "University of Southern Somalia-USS"
iyo Macahdyo kale oo gurigooda loogu keeni doono. Wa Billahi Towfiiq Waadna mahadsan tihiin Prof. Abdulkadir Noor
|