WARARKA BARAAWEPOST axad 22 june 2008

                  SALDANADA TUNNI & MARAAXILKA AY SOO MARTA

                                          (QAYBTA 21-AAD)

Taariikhda Reer Baraawe oo Kooban:

Magaalada Baraawe, waxay ka mid tahay Magaalooyinka ugu da’da weyn Soomaaliya, waxayna door weyn ka qaadatay fidinta ”Diinta Islaamka” iyo weliba  ganacsiga iyo beeraha, sababtoo ah wuxuu Ilaahay ku mannaystay Baraawe khayraad dabiici ah iyadoo xagga juqraafiga ay ku taal meel muhiim ah.

Warar badan ayaa jira oo ka hadlaya sidii loo aas-aasay & ciddii aas-aastay Magaalada Baraawe. Waxaase loo badiyaa in nin la oran jiray ”Aw Cali” uu aas-aaska Magaalada iska lahaa. Aw Cali wuxuu sahmiyay xeebta min Goobweyn ilaa Baraawe, isagoo goobaya meel ku habboon degganaansho, wuxuuna helay muddo ka dib meel ballaaran oo dhir dhexdeeda ku taal, halkaas oo isaga iyo niman oo la socday ay dhirtii ka gooyeen oo degeen, waxayna taariikhdu ahayd 900 miilaadiya.

Intaanu Aw Cali soo gaarin halkaas waxaa degganaa Magaalada daafaheeda ”Tunni Shangamaas” oo xoolo dhaqato ahaa, waxaana loo maleynayaa in joogitaanka Tunnida uu ku dhiirigeliyay Aw Cali in uu dego goobtaas. Waxaana loo badiyaa in Aw  Cali qudhiisu ku abtirsanaa Tunni Shangamaas ee degganaa Magaalada daafaheeda*(eeg taariikhda soomaaliya ee uu qorey Shariif Caydaruus).

Markii uu Magaalada Baraawe seeskeeda dhigay Aw Cali, ayaa waxaa soo degay, iyagoo ka soo kacay dhanka xeebaha iyo duleedka Magaalada Tunni, waxayna sidaas ku noqdeen dadkii ugu horeeyay ee dega Magaalada Baraawe. Waxaa ku xigay Tunnida oo soo degay Magaalada qabiilka la yiraa ”Gala Warday” oo uu xukumi jiray Boqorkii la oran jiray ”BRAWT”.

Tunni iyo Gaala Warday ayaa is gaashaan-buureystay, waxayna wada noolaayeen muddo ku dhow 300 sano. Waxaa la yiraa magaca Magaalada Baraawe wuxuu ka yimid oo loogu magac daray Boqorkii Gaala oo la oran jiray Brawt.

Dadkii ugu horeeyay ee degay Baraawe waxay ahaayeen Beesha Tunni, waxayna ka yimaadeen baa la yiraa Adar iyagoo soo maray jidka Qaraw ee u dhow Webiga Ganaane oo maanta loo yaqaan Jubba, waxay ku degeen Koyaama oo ku taal duleedka Kismaayo 310 Hijriya (891-1181 Miilaadi), hase yeeshee, qayb iyaga ka mid ah ayaa isla markiiba u sii gudbay Baraawe.

Waxaa kaloo la yiraa Tunnida markay soo gaareen goobta la yira Jumbo (Goobweyn) ayay u qaybsameen laba qaybood:

1.  Qayb qaaday jid xeebta mara oo gala Baraawe, kuwaas oo ahaa: Goy-gaal iyo Daakhtira;

2.  Qayb qaaday jidka gosha oo iska gala Baraawe, kuwaasina waxay ahaayeen: Dacfaraad, Weriile iyo      Hajuwa.

Labadii qaybood waxay ku kulmeen Baraawe agteeda, halkaas oo uu iska hor-imaad ku dhexmaray Ajuuraan oo markaas xukumi jiray meelo ka tirsan duleedka Magaalada Baraawe. Dagaal  baa halkaas ku dhexmaray Tunni & Ajuuraan kaas oo keenay in Ajuuraan ay ka guuraan mandiqada , taasina waxay keentay in Baraawe ay hoos timaado xukunka Tunida iyo Suldaankeeda **( eeg taariikhdaSoomaaliya ee Shariif Caydaruus).

Kadib wuxuu dagaal dhex-maray Tunni & Gaala oo sidaan horey u soo xusnay nabad ku wada degganaa mandaqada muddo ku dhow 300 sano. Dagaalkaas oo socday muddo dheer ilaa iyo markii dambe ay heshiis ku kala saxiixdeen meesha la yiraahdo Jumbo (Goobweyn). Magaca Goobweyn waqtigaas ayuu soo baxay, sababtoo ah waxaa madashii shirka isugu yimid dad aad u fara badan.**(eeg bogga286/287 Libro degli Zengi di Enrico Cerulli).

Waxaa lagu heshiiyay in qaybta barriga k axiga webiga ay yeelato Tunnidu, waxaana loo bixiyay ”Khad Tunni”. Qaybta galbeedna Gaala, waxaana loo bixiyay ”Khadka Gaala”. Heshiiskaas kadib , waxay Tunnidu ku caan baxeen hal-kudhiggii ahaa ”Koonfur seddax saamood” oo micneheeda loola jeeday in dhulka konfureed loo qoondeeyay qayb ay Tunni leedahay, qayb ay Gaala leedahay iyo qaybta saddexaad oo ahaa dhul daaqeed loo daayay xoolaha iyo duur-joogta.

Saddexdaas wax ka baxsan looma oggolayn inay cag soo dhigaan goobahaas. Ciddii ku soo xadgudubtana waa lala xisaabtami jiray oo lala dagaali jiray ilaa ay dib uga noqdaan. Waxayna arrintu sidaa ahayd ilaa iyo waqtigii ay Waddanka Soomaaliya soo galeen Dowladihii gumeysiga ahayd. Sida ku sugnaatay buugag uu Talyaanigu ka qoray taariikhda Gobolka Banaadir, waxay Tunnidu ahaayeen dadka ugu badan oo ku sugnaa magaalada Baraawe gudaheeda iyo hareeraheedaba.

Laba Tolku waxay soo gaareen Baraawe 700-900 H. (1281-1481 M.), waxaana la sheegay in ay ku yimaadeen Doon markaa kadibna ay la degeen Tunnidii Magaalada horey u deganayd oo ay ka barteen cilmiyo kala duwan. Haatimga waxaa ka soo horeeyay Biidda oo soo gaaray 700 H. (1281 M.).

Waxaa la soo  sheegay in Haatimigu ay ka soo haajireen Sanca, iyagoo ku sii jeeda Andalus (Spain), halkaas oo uu ku dhashay ”Sheekh Muxiyadiin Ibn Arabi Tai. Kadib wiil uu dhalay Sheekh Muxiyadiin oo la oran jiray Maxamed Bin Sa’ed Bin Muslim iyo caruurtiisa ayaa soo gaaray Baraawe . Asharaaftu waxay Baraawe soo gaareen 1092 H. (1673) iyagoo ka yimid Magaalada Muqdisho. Waxaa kaloo mudadaas kadib soo galay Baraawe Carab asalkoodu yahay Yaman oo ka tirsan qabiilka ”Cumar baa Cumar”.

Waxaa kaloo magaalada deggan dad asalkoodu yahay ”Bantu”, waxayna gaar ahaan deggan yihiin webiyada dhinac-yadooda, hase yeeshee, waxay dhammaantood ku abtirsadaan oo wax la wadaagaan Tunnida oo qayb walba oo iyaga ka mid ah waxay ku abtirsada mid ka mid ah shanta Farac ee Tunnida.

Laba Tolku (Haatimi/Biida) markii ay yimaadeen Baraawe, waxaa si wacan u soo dhoweeyay Tunnida, waxaana dhexmaray iyaga iyo Tunnida xiriir wanaagsan  iyo is-dhexgal kaasoo ku dhisnaa kal gacayl & is ixtiraamid, waxayna isla gaareen ilaa iyo heer ay xididaan oo xitaa waxaa dhacday si ay u noqdaan hal ummad oo isku jirta oo aan kala qaybsanayn in ay isku darsadaan hoggaanka, talada, qaraanka, diyada iwm. Waxaana taas markhaati u ah in mid kasta oo iyaga ka mid ah uu bahwadaag ama mataano la noqdeen qabaa’ilada kale ee Tunnida. Tusaale, Biida waxay bahwadaag la yihiin oo ay talada wadaagaan Goygaal, Haatimina waxay bahwadaag la yihiin Daakhtira.

Waxaa jira warar ku tiri ku teen ah oo sheegaya in Laba Tol markii loo oggolaaday in ay degaan dhulka Baraawe, loo cabbiray cad dhul ah oo cabbirkiisu lagu qiyaasay ”Maqaar Lo’aad”, kadibna ay maqaarkii jar jareen oo ka dhigeen xarrig oo kale, dabadeedna ay ku fidiyeen dhulkii horey maqaarka loogu cabbiray dhul ka weyn. Markii odayaasha Tunnida ay weydiyeen sababta ay isku ballaariyeen dhulka, waxay ku doodeen in ayssan ka bixin xuduudkii maqaarka ee loo fasaxay in ay degaan.

Hase yeeshee, qooraaga taariikhda  Shariif Caydaruus Shariif Cali, ayaa wuxuu wararkaas ku tilmaamay kuwo aan waxba ka jirin, isla markaana aysan lahayn wax raad raac ah ama caddeymo. Shariifku wuxuu sheegay in aysan caqli gal ahayn, qof marti ah oo si wanaagsan loo marti sooray, loona oggolaaday in uu dhulka degi karo shuruud la’aan, in uu si tuugonimo isku ballaariyo  dhulkii la dejiyay ama uu ku kaco ficilo noocaas ah macquul ma ah.

Wuxuu kaloo Shariif Caydaruus tusaale ahaan ugu soo qaatay oo uu yiri haddii sheekadaasi ay u dhici lahayd sida loo soo allifay, Odayaasha Tunnida marnaba kama aamuseen falkaas oo xushmo darro, sharaf darro & yastiinba ku ahaa, shakina kuma jiro in tallaabo laga qaadi lahaa, Magaaladana laga saari lahaa. Sidaasdarteed, sheekadaa waxaa lagu macnay karaa in ay tahay ”Sheeko Khayaali” ah oo ay iska allifteen dad maangaab ah, kuwaas oo ku qaraabta been iyo khuraafaad si ay u meel mariyaan danahooda gaarka ah.

Intaas waxaa kas ii daran Haatimiga oo sheegta in ay dhulka Baraawe ku gateen ”Dahab”, sidaasna loogu bixiyay magaca ah ”Dahab-soor”, taasna waxba kama jiraan waana arrin ku tiri ku teen oo aan sal iyo raad toona lahayn, lagu tafsiiri karo dad is-cajibiyay (Vain) in ay magacaas loogu yeero.

Waxaa lagama maarmaan ah in aan halkan ku xuso in magaca Baraawe uu yahay magac magaalo ee uusan ahayn magac qabiil sida ay dadka qaarkii u malleeyaan. Magaca Baraawe wuxuu saameeyaa ooka dhexeeyaa dhamaan dadka deggan Magaalada ha noqdeen Tunni ama Laba Tol, waxaana taa daliil u ah afka reer Baraawe ”Chimbalazi” oo lagu yiraa dadka deggan Baraawe (Waantu wa Miini) oo micneheedu yahay reer baraawe.

Luqada Soomaaliga ka sokow, waxaa kaloo reer Baraawe ay ku hadlaan laba luqood oo aasaasi ah kuwaas oo kala ah: ”Chimiini iyo af Tunniga”.Luqada hore oo ah mid ay ku hadlaan dadka deggan Magaalada gudaheeda. Waa luqad aasaa-santay waqtigii dadka la adoonsan jiray laga keenay dhulalka afrikada bari, dadkaas oo ku hadli jiray luqada sawaaxiliga**(eeg The modern history ofsomaliland by  I.M.Levis).

Luqada labaad oo loo yaqaan Af Tunni, waa luqad u gaar ah qabaa’ilada ku abtirsada Shangamaas, waxaana looga hadlaa magaalada Baraawe gudaheeda iyo dhamaan dhulka  hareereeya, wanaa farac ka mid  ah luqad loo yaqaan ”MAAYGA”.

Haddaba, waxaa xusid mudan in mujtamicii Reer Baraawe oo ku dhisnayd hababkii aan kor ku soo xusay, Adduunkana looga yaqiinay dad ka koban ”Halqoys oo keliya” oo aan lahayn kala duwanaan, asal ahaan, afka, dhaqanka, xiddaha iwm., laga bilaabo xilligii Waddanka Soomaaliya ka dhacay dagaaladii sokeeye  ilaa waqtiga xaadirka ah, xiriirkii & dhaqankii soo jireenka ahaa ee ka dhexeeyay  ay noqdeen kuwa ugu qallafsan uguna foosha xun ee soo mara shacbiga dhexdiisa.

Mujtamaca Reer Baraawe weligood isma qillaafin, iskumana dhicin, xumaan sidaa u buuranna ma dhex marin  haba yaraatee ilaa iyo waqtigii ay sida wada jirka ah u degganaayeen Magaalada Baraawe & nawaaxigeedaba. Tusaale ahaa: dagaalada sokeeye ka hor  Bulsha-weynta Baraawe, si hagar la’aan ah ayay isku kaashan jireen, isla markaana midnimadooda & isku-taggooduna uu hadaf keliya ku dhisnaa, kaas oo ahaa in ay ku dhowraan xuquuqdooda & in ay ka hortagaan dulmiga & cid walba oo ku soo gardaroota, noole kasta  ma haweysan jirin in uu cadaaweysato R/B, iskaba dhaaf in ay weeraraan amaba damcaan xoolahooda in ay boobaan.

Su’aasha is-weydiinta mudan waxay tahay sababta keentay in midnimadii soo jireenka ahayd ay bur burto, isla markaana Laba Tolku ay la soo baxaan akhlaaq & ficillo aan horey loooga baranin oo xambaarsan: ”xasdi, nacayb, cadaawada iwm” oo liddi ku ah Tunni Shangamaas oo aan xumaan haba yaraatee aan u geysanin walaalahooda ilaa iyo qarnigii ay sida wadajirka ah ugu noolaayeen Baraawe?

Cadaawadaha Laba Tolku, waxay gaartay heer xitaa nin iyaga ka mid ah oo Qadiib ah uu Masaajid ku yaalo London, dadka ugu khudbeeyay, kuna booriyay in aysan bixin wax taakuleyn ah oo xilligaas loo qorsheenaayay in loo uruuriyo Tunnida ee Dalka gudihiisa ku dhibaateysnaa oo Dil, Dhac iyo Barakicinba lagu haayay, difaacna ugu jireen in ay naftooda, maalkooda iyo qoysaskooda ka difaacaan dulmi-falayaasha & Mooriyaanta.

Ninkaas qadiibka ah, wuxuu arrintaas daliil uga dhigay in Diinta Islaamka aysan oggolayn in loo fidiyo taakuleyn dad dagaalamaaya, laakinse wuxuu  iska indha tirey in uu ka hadlo waajibaadka xaqa difaaca xuquuqda aadamiga axkaamteeda iyo shuruudaheeda.

Axaadiista ku soo aroortay baabka ”Difaaca xuquuqda aadamiga ah” way tiro badan yihiin, is-difaacana waa waajib ka mid ah waajibaadka Islaamka ugu waa-weyn. Rasuulkana (SCW) wuxuu yiri: Diinteenu ma oggola in an dad dulmino isla markaana ma oggola in aanu dulmi aqbalno. Qofkii dhinta isagoo difaacaya: ”naftiisa, maalkiisa, qoyskiisa, diintiisa ama uu iska difaaco dulmi ama xaq darro waa ”Shahiid”.

Marka haddii arrintu sidaas u caddahay, maxaa noo diidaya in aanu is taageerno oo kuwa dhibaataysan wixii aan u qaban karno aan ugu qabano. Laakinse soo jeedintii uu Ninkaasi soo jeediyey in aan la taakulayn Tunnida, waxay salka ku haysay in la hakiyo mashruucii taakulaynta ahayd oo markaas ladamacsanaa in laga hirgeliyo London, sidaas darteedna, waxaa dhacday in Laba Tol & Ashraafba ay diideen in ay ka qayb qaataan mashruuca taakulaynta ahayd.

Waxaa la yaab ah,wuxuu ninkaas Qadiibka ah ugu hadli waayay, markii Dr. Xasan Shaati Gaduud uu London yimid, si xad dhaafna Laba Tol& Ashraaf ugu uruuriyeen Lacag oo lagu taakuleeyay? Mise ninkaasu wuxuu raacay xukunkii Qaali Xuurshe  ee ahaa ”LA JIIFIYAANA BANAAN LA JOOJIYAANA BANAAN” ayaa u baneeyay in Ing.Munye uu ugu deeqo kooxaha hubeysan ee dadka gumaadaayay, lacagihii faraha badnaa ee uu ugu deeqay kooxahaas mas’uulka ka ah dhibaatada maanta ka taagan Dalka, gaar ahaan bara-kicinta Beelaha aan hubeysnayn.

Akhristow:

Colaada, xasadka, necaybka iyo xumaatada Laba Tol & Ashraaf Baraawe ay kula kaceen Beesha Tunni Shangamaas iyo dhacdooyinka kor ku xusan kuwo la midka ah oo fajac iyo amakaag idin ku ridi doono, waxaad ku arki kartaan  buugga magaciisu la yiraahdo ”SIDAAN KUUGU LISAY IIGUMA AADAN HAMBAYN” oo dhowaan soo bixi doona, haddii uu Eebbe idmo.

Waa Billaahi Towfiiq.

Qaybta  1AAD    2AAD     3AAD  4AAD     5aad  6aad  7aad  8aad 9aad  10aad  11aad

12aad   13aad  14aad   15aad  16aad  17aad18aad19aad  20aad

(Dhagayso)

W/Q. Macallin Cusmaan Sheekh Axmed

axmadiya25@hotmail.com.

The opinions contained in this article are solely those of the writer, and it does not represent the editorial opinions of the Baraawepost

ARAGTIDA QORAALKAN KU XUSAN MASUUL KAMA AHA BARAAWEPOST WIXII JAWAAB AH WAXAA TOOS LOOGU DIRI KARAA QORAAGA KU SAXIIXAN QORAALKA.