WARARKA BARAAWEPOST isniin 24 2008

 

  IXTIFAALKA DHALASHADA NABIGA scw.OO LAGU QABTAY  MASJIDKA AL-KARIIM EE SEATTLE

Habeenkii Nabigu (scw.) dhashay, waxay Dunida oo idil u ahayd habeen farxad badan, maxaa yeelay waxaa Dunida lagu soo dhawaynayay khalqiga oo idil kii ugu khayrka badan Maxamed bin Cabdillaahi”.Sanad kasta markii la gaaro Bisha Rabiicul-Awal ayay Muslimiinta soo cusboonaysiiyaan ama sii kordhiyaan Farxaddii & maxabbadii ay Nabiga scw. u qabeen, waxayna u dabaaldagaan sidii maalin Ciid ah oo kale, waxaana caado u noqotay Muslimiinta in ay Xuska dhalashada Nabiga scw. kulanno sameeyaan, cunto iyo cabitaan dadka loogu deeqayo, halkaana lagu akhriyo ”SIIRADII NABIGA SCW.”, isla markaana dadka la wacdiyo oo loo sheego wixii Rabbi uu xarrimay iyo wuxuu xalaaleeyayba.

Haddaba,  Masjidka lagu magacaabo ”MASJID AL KARIIM” ee ku yaala Xaafadda Rainier ee Magaalada Seattle WA ayaa ka dhacay  Xaflad lagu xusaayay Munaasabadda  Mawliidka Nabigeena SCW, waxaana ka soo qayb  galeen Muslimiin badan ee Ahlu Sunna Wal Jamaaca, gaar ahaan kuwa ku abtirsasda Caqiidada Al Ashcari, Siiradii Nabiga SCW iyo Qasaa’id  Nabi ammaan ah ba laga akhriyay. Muslimiintana guud ahaan looga duceeyay, lana wacdiyay.

Sida Xafladdaas u dhacay, ka daawo halkan (RIIX)

Mawliidka Nabigu (SCW.) wuxuu kordhiyaa iimaanka dadka ”Muuminiinta ah ”, laakin wuxuu dhib ku yahay dadka Gaalada ah, Shayaadiinta, Bidcada iyo Qof kasta oo caqiido qalloocan aaminsan.

Waxaana aad u kala fog kuwa Nabiga ammaanaya iyo kuwa aflagaadaynaya, sida uu yiri Saxaabigii waynaa ”Xasaan bin Thaabit”,  .

Ilaah ayaan ka tuugeynaa in uu Sanadka dambana Nabiga scw. xuskiisa Nabad, Caafimaad, Bash-Bash iyo Barwaaqo nagu gaarsiiyo. Aamiin.

Waa Billaahi Towfiiq