Muatamarkii 3aad ee Ahlu Sunna Waljamaaca oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Gothenburg ee dalka Sweden 30 june-1 July
Dadka ku abtirsada Ahlu Sunna Wal Jamaaca,
waxay ku sifoobeen in ay yihiin dad dadaal ugu jira maalin kasta, sidii ay
dadkooda iyo Dalkooda u badbaadin lahaayeen.Waxaa jira dagaal xagga Diinta ah
oo ”Baadil & Fidmo” isugu jira oo ay dadka Islaamka ku soo qaadeen ”Shaydhaan & Ehelkiisa”, iyagoo ku soo
dhuumanaya Diinta Islaamka, xaqiiqduse ay tahay iyagoo doonaya in ay tir-tiraan
raadka Islaamka.
Ummadda Soomaaliyeed inkastoo uu baadilku oo
nocyo ah uu na soo hujuumay isagoo marba ”Shaar wata”,
adeegsanayana dariiqa kasta oo uu ”Mabda’iisu ku fidiyo, hadana Alxamdulilaahi,
dadkii Ilaah wuu fahamsiiyay qoladii Ibliisku afduubay, marada xariirta ahna u
soo huwiyay.
Jamaacada Ahlu Sunna Wal Jamaaca ee
Göteborg,waxay caadaysteen in Sannadka kasta,
markii la gaaro Xilliga Xagaaga ay ku qabtaan
Magaalada Göteborg (Sweden) Mu’tamar Diineed oo hadafkiisu yahay in Bulshada
Islaamka, gaar ahaan Shacbiga Soomaaliyeed oo Qurbaha ku nool, aqoontooda
Diineed kor loo qaado iyo in si cilmi ku dhisan looga qanciyo ”Mas’alo”
ka wareeray , waajibna uga saaran yahay in uu fahmo si ”Cibaadadiisa” xalaal iyo saxba ugu
noqdaan.
Haddaba, iyadoo Jameecadda A.S.W., dadaalkaasi
ku jiraan, haddana Shaydhaan ma Firig-Firigyara,
inkastoo maalinba maalinta ka dambeysa ay soo tir-tirmayaan, weligeed baa ”Baadilka daahirka” haba buun-buusame, markuu xaqu
yimaado uu u suuli jiray, sida Ilaahayba uu Qur’aanka ku sheegay.
Runtii baraarujin xagga Diinta ah baa laga
qaaday xarakadoodi oo Culimada Ahlu Sunna meel kasta ay joongaan, si joogto ah
dadka uga dhigaan in ay ka digtoonaadaan
dadka ku caan baxay in ay fidmo iyo tafaraaruq ku abuuraan Bulshada ka soo
jeeda Ahlu Sunna Wal Jamaaca, gaar ahaan kuwa haysta Mad-habta Shaaficiga,
Caqiidadooduna ay tahay Ashcariya.
Haddaba, galabnimadiii axadda, taariikhduna ahayd 02-07-2007,
ayaa la soo gabagabeeyay Mu’tamarka 3-aad ee A.S.W. oo socday laba maalmood,
laguna qabtay Hoolka Medborgarhuset ee Göteborg, waxaana ka soo qayb galay
dadweyne aad u badan (rag & dumar) oo ka kala yimid Waddanka Sweden
Gudihiisa iyo Dibadiisaba.
Culimadii
Mu’tamarka Casharada ka soo
jeediyay waxaa ka mid ahaa:
· Dr.
Sheekh Maxamed Cabdillaahi Casir……oo ka yimid ……..USA;
· Dr.
Sheekh Axmed Caato ……………………oo ka yimid ……. Uk;
· Dr.
Sheekh Cabdirashiid Xaaji Axmed…….. oo ka yimid Stockholm:
· Sheekh Cusmaan Xaaji Aadan………….. oo ka
yimid……..Stockholm;
· Dr.
Sheekh Mursal Cali Fiidow………………oo ka yimid…….. Italiya;
· Sheekh Maxamed Kulmiye………………….. oo ka yimid………. UK.;
· Sheekh Maxamuud Cabdi Sabriye………….. oo ka yimid …Stockholm
· Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Muxiydiin….. oo ka yimid… Göteborg.
Waxaa kaloo Mu’tamarka
3-aad ka soo qayb galay Culimo fara badan oo ka yimid Finland, Stockholm, Danmark, England iyo Norwey. Sidoo kale waxaa ka soo qayb galay
Duriyadii: Sheekh Awees Al-Qaadiri, Duriyadii Sheekh Cali Maye, Duriyadii
Sheekh Qaasim Al Baraawi iyo Duriyadii Shariif Calawi (Minal Asharaafi Baa
Calawi ayuu Sheekh Awees yiri).
Gabagabadii Mu’tamarka
3-aad ee ASW, waxay Culimadii Duco& Salaan u direen dadkii u istaagay Khayrkaas faraha
badan, waxayna ku adkeeyeen in khayrka meeshiisa ka sii-wadaan, iyagoo si wada
jir u sheegeen in xiriir iyo iskaashi ku dhisan Diinta Ilaah nooleynteeda ay
tahay lama huraan.
Gilgilkana waa mid la oran karo wuxuu ahaa (waxaa jirta turun-turo
kufniinka kaa baajisa). Mu’tamarka ama
Kullanka 3-aad ee Ahlu Sunna Wal Jamaaca aad iyo aad buu ka qaybgalayaasha iyo
dhegaystayaasha u anfacay, Casharada ama
Mawduucyada iyo su’aalaha jawaabtooda aad bay dadkii ugu maqsuudeen.
ILAHAAY HA NAGU WADA
ABAALMARIYO SHAFEECADA NABIGEENA SUBAN
SCW. WA BILLAAHI TOWFIIQ.