FURITAANKA XAFLADII LOOGU MAGAC DARAYEDUCATION AWARENESS & BRAVA COMMUNITYCilmigu waa mid ka mid ah nimcooyinka ilaah ku mannaystay aadanaha, Si looga hor tago jahliga waxaa loo baahan yahay in qofku barto macluumaadka saldhigga u ah cilmiga iyo aadanaha. Haddaba, iyadoo laga tarjumaayo ujeeddadaas ayaa maalintii Arbacada 28 Juun 2006, waxaa lagu qabtay degmada Baraawe Xaflad loogu magacdaray Education Awareness and Brava Community. Ugu horrayntii waxaa seminaarka erayo soo dhawayn iyo warbixin ah ka soo jeediyay Eng-Ali Axmaduna Munye oo ah madaxa waxbarashada degmada Barawe. Eng-Ali Axmadunaa wuxuu sheegay in ujeeddada seminaarku yahay in kor loo qaado waxbarashada degmada baraawe. Mar uu ka hadlayay ujeedada seminaarka, Eng-Ali Axmadunaa wuxuu xusay in seminaarku yahay fursad dadka magaalada Baraawe kula kulmi karaan Macalimiinta waxbarashada ee takhasuska gaarka ah leh,si looga dhagaysto talo iyo tusmo. Intaas ka dib,waxaa makroofanka lagu soo dhaweeyay Sheekh Sayd Axmed oo ka mid ah aqoonyahanada degmada oo hadana macalim ka ah dugsiga sare ee Sh/Cali Maye ee deg Marko ee gobolka Sh/hoose. Shiikh Sayd Axmed wuxuu sheegay in diinta islaamku muhiimad gaar ah siiso cilmiga aaqira & kan aduunba wuxuu Shiakh Sayd Axmed xusay habkii nebiga iyo asxaabtu uga soo hadleen cilmiga wuxuu kaloo shiikhu caddeeyay in ilaah karaameeyay dadka. waxaa markaas kaddib,makroofanka lagu soo dhaweeyay Mr, Ali Moh’ud Shegow (Ali Marduuf) oo ah kusimaha Maamulka dugsiga Qaasim Al-Baraawi ee degmada baraawe. Mr. Ali Marduuf wuxuu xusay taariikhdii dugsiga qaasim Al-Baraawi & isbedeladii la soo gudboonaaday xilliyadii la soo dhaafay, wuxuu kaloo Mr, Ali Marduuf faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay sidii dugsiga Qaasim Al-Baraawi lafdhabar ugu ahaa daryeelka & kor u aadida cilmiga. Mr. Ali Marduuf wuxuu kaloo ka hadlay sida jahliga uu ugu soo batay degmada Baraawe wixii ka dambeeyay dagaalladii sokeeye. Wuxuu Mr. Ali Marduuf si qeexan u falanqeeyay sida wacan ee looga hortagi karo waxbarasha la’aantan sababtay jahli & mugdi ee ka jirta degmada & sidii tartan lagula geli lahaa degmooyinka gobolka.
Intaas
ka dib waxaa hadalkii qaatay, Mr, Ali Axmed Moh,ed & Maxamed C/dir Cumar
(Bood-Boode) oo ka wada mid ah xubnaha Ururka Birdo (Brava Integrated
Rural Devolopment Organization) ee degmada Baraawe. Ugu horrayntii,
wuxuu Mr. Ali Ahmed ka waramay ururka BIRDO, wuxuuna sheegay in ururka ka
shaqeeyo Horumarinta mujtamaca ee deegaanka Baraawe, gaar ahaan dhinaca
waxbarashada, biyaha, caafimaadka iwm. Sidoo kale Mr. Max’ed C/dir Cumar (Bood-Boode)
wuxuu sheegay in ururka BIRDO qabto howlaha kala ah bixinta Tababarada,
kaalmaynta dadka abaaruhu ay waxyeeleeyaan, Tabaruca, kor u qaadidda aqoonta
bulshada, mar uu ka hadlayay dhanka waxbarashada wuxuu Mr, Bood-Boode caddeeyay
in qaybta waxbarashada ee ururku BIRDO ay hadda gacanta ku hayaan dugsiga
Qaasim Al-Baraawi & afar madaaris oo taxfiidul qur,aanka ah isagoo ururka
xil iska saaray inay daboolaan baahida maclimiinta ee ku saabsan Mushahar
bileedka, & tasiilaadka yar yar ee uu dugsigu u baahdo sida siminaarkada
iwm ee uu siminaarkan ka mid yahay, isagoo wiliba si cad u caddeeyay inuu
mustaqbalku ku tala jiro ururka BIRDO inuu dib u soo nooleeyo dugsiyadii hore
ee wasaaradda waxbarashadu ee ay tuulooyinka degamda lahaayeen oo in mudo ah aanan shaqayn.
|