WARARKA BARAAWEPOST Talaado 18 decemBER 2007 BAYAAN AY SOO SAAREEN BEESHA TUNNI SHANGAMAAS OO AY KU CANBAAREYNAYAAN QORAAL BEEN ABUUR AH Anagoo ah waxgaradka,aqoonyahanka,Dhalinyarada iyo dhamaanba qaybaha kala duuban ee beesha Tunni Shangamaas Laba Tol iyo Tunni Toore ee ku nool waddamada North Ameerika.Yurub Africa iyo Carabta,waxaan aad uga xumaaney been abuurka lagu Sameeyey guud ahaan beelaha kor ku xusan,taasoo ah sheegasho Suldaanimo oo aan xaq loo lahayn in la sheegto laguna soo daabaco websityada qaarkood . Hadaba markii jaalliyada beesha Tunni ee ku nool qurbaha ay ka warheleen arimaha foosha xun ee loogu tala galey in lagu kala burburiyo dhamaan horumarka,waxtarka iyo Qiimaha tolka oo idil,ayey bayaan xoog leh ka soo saareen sidii ay uga hortagi lahaayeen Been abuurka la rabo in lagu caleema saaro Faqi Sayid Faqi,taasoo ay soo geliyeen websayidyada,dad ujeedadoodu tahy fidno abuur iyo in ay dhaliyaan colaad tolka dhexdiisa. Sidaas darted waxaan u sheegeynaa Beelaha Soomaaliyeed gaar ahaan Beelaha Digil iyo Mirifle in aysan Rumaysan been abuurka laga sameeyey beesha Tunni laba Tol iyo Tunni Toore. Hadaba waxaa weli tolka hoggaanka u haya Suldaan Xeydar Suufi Munye oo la caleema Saarey taariikhdu markay ahayd 1987,laguna caleema saarey deegaanka beesha ay leedahay. Bayaankaan waxaa si wadajir ah u soo saarey Odeyaasha iyo Waxgaradka hoos ku qoran 1- Nabadoon Maxamuud C/raxmaan Cusmaan 2- Nabadoon Aweys Abuu Haadi 3- Nabadoon Xasan Nuur Buurfuule 4- Dr Cl/casiis Abuukar Baafow 5- Dr.Clqaadir Xaaji Cosmaan 6- Ugaas C/qaadir Amiin Lolow 7- Nabadoon Aweeys Nureyni Said 8- Dr Shariif Sheekhuna Maye 9- Dr Xaaji Shaafi Maxamed 10- Dr Munye Moxamed Cllle 11- Mudane Maxamuud Abuukar Cumar Sheegow 12- G/le Sare Moxamed Qaasim Munye 13- Mudane Nuureyni Diinki Xasan 14- Mudane C/casiis Moxamed Saalex (Casizoone) 15- Eng.Ibraahim Cali Cumar Sheegow 16- Mudane Khasaali Faqi Abo 17- Mudane Moxamed Ibraahim Gaduudow 18- Mudane C/raxmaan Abuukar Cumar Sheegow 19- Mudane Farxaan Kabiiri Abu Sheegow 20- Mudane Xaamid Sheegow Bishaaro 21- Mudane Eeno Ibraahim Kuusow 22- Mudane Abu Maxamed Bakaro 23- Mudane C/fataax Cumar Maxamed 24- Mudane Xaaji Moxamed Abdalo 25- Mudane Xasan Said Abu Sheegow 26- Mudane Cali Abuukar Cumar Sheegow 27- Mudane Moxamed Sheekhuna Xuseen 28- Mudane Cumar Abuukar Cumar Sheegow 29- Mudane Nuureyni Maxamed Oofu 30- Mudane C/qaadir Munye Said 31- Mudane Said Munye Shamcuun 32- G/le Sare Munye Abu Rasuul 33- Mudane Munye Abuukar Yaasiin 34- Mudane Xaaji Munye Shamcuun 35- Mudane Saacid Cumar Nuureyni 36- Mudane C/qaadir Cali Cumar Sheegow 37- Nabadoon Cumar Cali 38- Mudane Nuureyni Suldaan Xeydar 39- Mudane Sheekh Nuureyni Calawi Maxamed 40- Mudane Cabdi Xamsa Maxamed Kuusow 41- Mudane Nuureyni Calawi Moxamed 42- Nabadoon Moxamed C/qiidir Miiro 43- Mudane Aweys C/qaadir Maxamed 44- Mudane Said Abu Maxamed 45- C/raxmaan Abuukar Cumar Sheegow 46- Mudane Cumar Macalim 47- Mudane Cumar Cabdi Gaabow 48- Mudane Cumar Taaha Tayib 49- Mudane Said Shariif Sheekhuna 50- Mudane Cumar Aabo Maxamed 51- Mudane Sheegow Moxamed Cumar 52 Mud C/raxmaan Abukar Cumar
|