WARARKA BARAAWEPOST Axad 10 january 2010 

 

 

Dagaalo culus oo markale dib uga qarxay duleedka Beledweyn

 

Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyn ee xarunta goblka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaalo culus ay ka socdaan duleedyada magaalada B/weyn ee xarunta gobolka Hiiraan.
Dagaaladasi ayaa waxaa uu dhexmarayaan kooxaha xizbul islaam iyo ciidmo ka tirsan DFKMG ee soomaaliya.


Wararka waxaa ay intaa ku darayaan in dagaalada ay ka socdaan goobo kala duwan islamarkaana ay yihiin daafaha magaalada B/weyn, dagaaladani ayaa ka bilowday weerar ay soo qaadeen ciidamada Dowlada oo maalmihii ugu danbeeyay isku urursanayay xadka kala beyr.


lama hayo illaa iyo haatan warar faahfaahsan oo ku saabsan  qasaaraha kala gaaray garbayada ku dagaalamaya halkaas iyadoow hugunka madaafiicda iyo daryanka rasaastaba si weyn looga maqlaayo magaalada B/weyn.

 

Madaafiic iyo Duqeeymo maanta ka dhacay qaybo ka mid ah Muqdisho

 

Abaarihii 12kii duhurnimo ee maanta ee waqtiga geeska Afrika ayaa qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho lala beegsaday madaafiic iyo duqeeymo culus kuwaasoow si weyn looga maqlayay guud ahaan degmooyinka gobolka Banaadir oo idil.


Madaafiicdan oo ay ridayeen ciidamada AMISOM ayaa ka danbeeysay ka dib markii saakay ay dagaalo ku dhexmareen kooxaha ka soo horjeeda DFKMG iyo ciidamada Dowladda .


waraka waxa ay intaa ku darayaan in madaafiicdaasi lala beegsaday xaafado ka tirsan degmooyinaka kaaraan iyo yaaqshiid kiwaasoo khal khal geliyay dadka fara ku tiriska ee xaaafadaha jooga oo inta badan guryaha illaalsada maaddaama ay inta badan dadka ay halkaasi ka barakaceen.


Guud ahaan waxaa adag in loa ogaado qasaaraha ay geeysteen madaafiicdaasi balse ay hakad galeen isusocdka dadka iyo gaadiid oo ahaa maalmihii ugu danbeeyay mid aad u yar.

 

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com