WARARKA BARAAWEPOST Arbaco 10 march 2010
Waxaa saakay aroornimadii ay dagaalo ka dhaceen degmooyinka Shibis ,C/casiis, iyo kaaraan oo ka mid ah degmooyinka waqooyiga Muqdisho kuwaasoo dhexmaray kooxaha ka soo horjeeda DFKMG iyo ciidamada Dowladda. dagaaladan oo ay dhinac socdeen madaafic iyo duqeymo culus oo ay inta badan ridayeen ciidamada AMISOM ee ku sugan M/Muqdisho. Mareykanka oo sheegay in ay ka qayb qaadan doonto howlgalada dagaal ee ay DFKMG qorsheyneyso Abaanduulaha ciidamada Mareeykanka ee geeska Afrikada Bari ayaa shaaciyay in ciidamada Mareeykanku ay ka qayb qaadan doonaan howlagalada la filaayo in ciidamada DFKMG ee soomaaliya ay ku baacsan doonaan kooxaha ka soo hojeeda dowladda gaar haan M/Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobolada kkonfureed soomaaliya. General William oo qaar ka mid warbaahinta caalamka ka hadlay ayaa sheegay in ay ka goan tahay in ay ka qayb qaadan doonaan howlagalada lagula dagaalayo kooxaha xag jirka ah waa sida uu hadalka u yiriye. Hadalka Jenraalkan ka soo yeeray ayaa ku soo beegantay xilli guuxa diyaaradaha waaweyn nooca loo yaqaan [IC] ay cabsi xooggan ku abuureen dadka ku dhaqan Gobolka Banaadir oo dhan. |