Ahlu Sunna Waljamaaca Sweden oo soo qatimay Quraan akhriskii geeridii Macallim Nuur Maxamed Siyaad
Gothenburg Monday 9 November 2009
Waxaa shalay ilaa iyo xalay ka socday waddanka Sweden gaar ahaan magaalada Gothenburg munaasabado kala duwan oo lagu soo qatimayay qur'aan akhris isbuucyadii tagay akhrinaayeen culumaa'udiinka, iyo ardayda Ahlu Sunna Waljamaaca, kaasoo tan iyo intii uu Macallim Nuur Maxamed Siyaad geeriyooday ay soo wadeen sida uu sheegay daadiyahii munaasabadii xalay Shiikh C/raxmaan Shiikh Muxidiin.

naasabadaan ayaa waxaa kasoo qeyb galay Culumaa'udiin caanka ka ah waddankaan Sweden iyo Urur diiimeedka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo waliba dad weyna fara badan kuwaasoo Macallinka wax soo baray ama dad uu waxbaray ey waxbareen. Dadkaan ayaa ka kala yimid meelo kala duwan oo waddanka Gudihiisa iyo dabadiisaba ka kala tirsan.
Culumaa'udiinkii kasoo qeyb galay kulaankaasi ayaa dadkii goobtaas soo xaadiray uga taariikheeyay Macallimka taariikhdiisa, Shiik C/raxmaan Shiikh Muxidiin oo si qota dheer uga faallooday Taariikh nololleedkii Macallinka ayaa sheegay "In macallinku ahaay nin diinta fidinteeda gacan balaaraan ka geystay. Asagoona furay Dugsiyo kor u dhaafaya 1000 kun dugsi Quraan, waxaa kaloo macallinku sameeray qabuuro waqaf ah, kuwaasoo dadka lagu aaso loona yaqaan Qabuuraha Macallin Nuur sannaddi 1984-tii, sidoo kale Macalinku waxa uu dhisay masaajidyo kor u dhaafaya 30-dameeyo iyo waliba in uu qoday ceelal dadku cabaan.

lumaa'udiinkii kasoo qeyb qalay kulankaasi ayaa waxaa ka mid ahaay Xoghayaha guud ee Ahlu Sunna Waljamaaca Shiikh Maxamed Macallin Shiikh Amiir, Shiikh Axmed Shiikh Aweys Shiikh Maxamed Faaqi Yuusuf, Shiikh Daahir Shiikh Cusmaan Shiikh Maxamed Cadee iyo Shiikh Cabdulaahi Saadiq Shiikh Axmed waxa ayna dhamaantood madasha ka qireen in uu sheekhu ahaay diinta barideeda iyo fidinteeda gacan ballaran ka geystay uu ahaay ilaaheyna ka abaal marin doono.

ntii iyo gunaanadkii ayaa waxaa mikrafoonka lagu soo wareejiyay Fadiilatu Shiikh Cabdullahi Saadiq Shiikh Axmed, isagoo u duceeyay Macallinkii Eebana uga baryay in uu naxariista jano ka waraabiyo, intii goonta isugu timid ilaahey u weydiiyay dambi dhaaf iyo xasanaad. intaas ka dibna waxaa loogu soo gabagabeeyay Nashiido Macallin Nuur Eebi naxariista janno ha ka waraabiyee loogu duceeyay, hadal iyo dhamaantii munaasabdii waxa ay kusoo gabagaboyday jawi heer sare ah iyo sidii loogu tala galay.