WARARKA BARAAWEPOST isniin 10 september 2012 

 

 

Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guuleystay xilka madaxweynaha cusub ee jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya

Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ku guuleystay inuu noqdo madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah ee Somalia. Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa tartankii loo galay qabashada xilka madaxweynenimo ee dalka Soomaaliya waxaa uu wareeggii ugu dambeeyay la galay madaxweynihii hore ee dowladdii FKMG ahayd ee Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed waxaana uu madaxweynaha cusub ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya uu ugu dambeyn helay codka 190 xildhibaan halka madaxweynihii horena uu helay cod gaaraya 79 cod.

Munaasabad qado sharaf ahayd oo uu Dr Xasan Sheekh Maxamuud madaxwynaha Soomaaliya u qabtay maalinimadii shalay ahayd ee qaar ka tirsan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya si uu cod taageero ah u weydiisto ayaa qudbad qiiro badan oo uu halkaas ka jeediyaya mar uu ka hadlayey xuduudaha Soomaaliya iyo sida ay u dayacanyihiin iyo sidoo kale xadgudubka lagu hayo kheyraadka Soomaaliya waxa uu sheegay inuusan ogolaan doonin in taako ka mid ah dhulka Soomaaliya la qaato, wuxuuna xusay in dalalka deriska la ah Soomaaliya looga baahanyahay inay xushmeeyaan qarannimada dhuleed iyo biyood ee Soomaaliya, uusanna isagu ogoleyn in kheyraadka Soomaaliya la iska gurto iyadoo aysan dowladdu waxba ka ogeyn.

Sidoo kale madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay inay jiraan dalal si sharci-darro ah kalluumeysi uga wada biyaha Soomaaliya, kuwaas oo maraakiib waa weyn ku xaalufiya badaha Soomaaliya, wuxuuna yiri mar uu arrinkaasi ka hadlayey “In kheyraadka Soomaaliya loo gurto si sharci darro ah marnaba ma ogolaan doono, waana in cid kasta oo dooneysa inay ka kalluumeysato biyaha Soomaaliya ay u soo marto sifo sharci ah, wuxuuna intaasi ku daray in iyadoo lagu marmarsiyoonayo burcad badeednimo iyo waxa loogu yeero argagixiso si sharcidarro ah loo qaatay kheyraadkii Soomaaliya, loona boobayo dhulkeeda, taasna waa wax aan la aqbali karin”

Madaxweynihii hore ee DFKMG aheyd Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud.

Mudane Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee DKMG ayaa gacan qaaday isaga oo dhoola cadeynaya islamarkaana farxadi ay ka muuqato Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay caawa yeelatay Dr Xasan Sheekh Maxamuud markii uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Baarlamaanka Natiijada.

Mudane Shariif Sheekh Axmed oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda markii natiijada lagu dhawaaqay kadib ayaa tilmaamay in caawa ay farxad weyn u tahay isaga in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorasho xor ah 42sano kadib iyo in sidoo kale ay farxad weyn u tahay in mudadii seddaxda sano aheyd ee lasoo dhaafay uu dalka soo gaarsiiyo marxaladan.

Waxa uu Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed uga mahad celiyey Shacbiga Soomaaliyeed sidii hagar la’aanta aheyd ee ay ula shaqeeyeen iyo qeybaha kala duwan ee dowladnimo oo ay ugu horeeyaan Ciidammada Qalbka Sida ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntii waxa uu xusay Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed inuu ka baxayo hoolka doorashada lagu qabtay isagoo qanacsan maadaama uu dalka soo gaarsiiyey marxalad doorasho oo KMGkii dalka uu kasoo saaray,

Waxa uu Taliyeyaasha Ciidammada Qalbka Sida ee Soomaaliya sida Xoogga Dalka,Booliiska iyo Nabad Sugidda oo garab taagnaa ku amray in xiligan wixii ka dambeeya ay toos uga amar qaadan doonaan Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud si uusan Ammaanka dalka faraha uga bixin.

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna halkaas ka jeediyey khudbadiisii ugu horeysay isagoo ay garbaha ka taagnaayeen taliyeyaasha Ciidammada Xoogga Dalka S/Gaas Cabdulqaadir Sh Cali Diini, Booliiska S/gaas Dr Shariif Sheekhuna Maye iyo agaasimaha guud ee hayadda Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed Axmed Macallin Fiqi.

Ugu horeyn Madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu mahad celin ballaaran u jeediyey Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo uu uga mahad celiyey sida kalsoonida leh ee ay u doorteen iyo cid kasta oo gacan ka geysatay doorashadan qiimaha leh.

“waxaan si kal iyo laab ah ugu mahad celinayaa Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed saaxiibkeey shalay hadana ah saaxiibkeyga maanta ahaan doonana saaxiibkeyga burrito oo mar walba aanan kala fogaan doonin waxaanna ugu hambalyeynayaa isbedelka uu dalka ku sameeyey iyo baalka cusub ee uu u furay taariikhda dadka Soomaaliyeed”ayuu yiri Madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in dalka Soomaaliya uu maanta u baryey waa cusub islamarkaana ay u bilaabaneyso dowladnimo rasmi ah waxaana uu ku guubaabiyey shacabka iney ka faa’ideystaan fursadan ay heystaan.

“Shacbiga Soomaaliyeed waxaan leeyahay maanta taariikh cusub ayaa idiin biloowatay waayo waxaan heysataan dowlad rasmi ah,waxaad ka baxdeen KMGkii waxaanna idinku guubaabinayaa ineynu iskaashano dhamaanteenna sidii aan fursadaas uga faa’ideysan laheyn”ayuu Madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud kula dardaarmay shacbiga Soomaaliyeed.

 

Taariikh Nololeedkii madaxweynaha cusub ee Soomaaliya

Madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ku dhashay Magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan sanadkii 1955-tii halkaasoo uu ka bilaabay waxbarashada Quraanka iyo Midda Dugsiga Hoose Dhexe ee waxbarasho.

Waxbarashada sare wuxuu u soo aaday Magaalada Muqdisho isagoo ka dibna ku biiray Jaamacadii Ummada Soomaaliyeed ‘SNU’ sanadkii 1978 Wuxuuna ka qalinjabiyey sanadkii1981.
Sanadkii 1981 ayuu Xasan Sheekh ka qalinjabiyey Jaamacada Phobal University ee dalka Hindiya, wuxuuna ka qaatay shahaadada Master Degree.

Sannadkii 1999 waxa uu ka mid ahaa Hawlwadeenadii aasaastay Machadka Horumarinta Maamulka iyo Maareynta ee Somalia ‘The Somali Institute of Management and Administration Development’ ee magaalladda Mogadishu.
Machadka waxa loo beddelay Jaamacad sannadkii 2010.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sannadkii hore ee 2011 aasaasay isla markaana uu Guddoomiye ka noqday Xisbiga Nabadda iyo Horumarinta ‘The Peace and Development Party’.

Dr Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu ku hadlaa Luqadaha Somali iyo English, waana Aqoonyahan, Siyaasi iyo U-ololeeye muddo dheer la soo shaqeeyey Ururadda Caalamiga iyo kuwa aan Dowliga ahayn ee ka shaqeeya Nabadda iyo Horumarinta.

 

  

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com