WARARKA BARAAWEPOST Sabti 10 september 2011 Ururka isbahaysiga umadda Soomaaliyeed ee Sweden (Somaliska riksförbundet i Sverige) oo u mahadceliyey dowlada iyo shacabka Turkiga Ururka isbahaysiga umadda Soomaaliyeed ee Sweden (Somaliska riksförbundet i Sverige) ayaa la kulmay maanta safiirka Turkiga u fadhiya Sweden Ambassadör Zergün Korutürk una gudbiyey mahadcelin ka timid bulshada Soomaaliyeed ee ku nool waddanka Sweden.
Kulankaas oo ka dhacay maanta safaarada Turkiga ee Stockholm, waxaa goobjoog ka ahaa gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka ururka isbahaysiga Abdullahi Mahamed iyo Asha Ismail iyo qaar ka mid ah warbaahinta Turkiga. Kulankaas oo ujeedadiisu ahayd mahadcelin safarkii uu ra`iisul wasaaraha Turkiga, qoyskiisa iyo qayb ka mid ah xukuumadiisu ku tageen Soomaaliaya, kaas oo noqday mid taariikhi ah oo umadda Soomaaliyeed ilaawi woodin.
Ambassadör Zergün Korutürk waxay balan qaaaday in ay mar walba ay garab istaagayaan shacabka Soomaaliyeed ee colaada iyo abaaruhu aafeeyeen, waxayna sheegtay in ay dhawaan ka timid Turkiga, soona aragtay sida shacabka turkigu u jecelyihiin uguna heelan yihiin in ay caawiyaan walaalahooda dhibaataysan.
Gudoomiyaha ururka isbahaysigu wuxuu warqad qoraal ah oo mahadcelin oo u socota ra`iisul wasaaraha TurkigaRecep Tayyip Erdoğan, xukuumadiisa iyo shacbiga turkiga gudoonsiiyey Ambassadör Zergün Korutürk, taasoo safiiradu balanqaaday in ay u gudbinayso ra`iisul wasaaraha .
Dowlada Turkiga iyo shacabkeedu waxay dhexda u xirteen u gargaarida dadka barakacyaasha ah oo intooda badani ku suganyihiin koonfurta Soomaaliya, waxayna bishii ramadaan ee dhamaatay( 04-08-2011-01-09-2011) gaarsiiyeen gargaar aad u farabadan kaas oo ah. 10 diyaaradood oo wada daawo, qalab caafimaad iyo cunto lagu qiyaasay 350 tan iyo 6 markab oo wada qiyaastii 10934 tan oo ka kooban cunto, daawo, qalab caafimaad, Waxay kaloo ay geeyeen 8 gaadiidka caafimaadka (aambalaas) 6 matoor oo ah kuwa loo isticmaalo korontada, gawaarida nadaafada iyo qalab kale oo aad u fara badan.
Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com |