WARARKA BARAAWEPOST sabti 12 may 2012 

 

 

Dhambaal Hambalyo ah oo ku socda Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Dr Shariif Sheekhuna Maye  

ANIGOO KU HADLAAYO MAGACA JAALIYADDA BEESHA TUNI EE KU NOOL HOUSTON TEXAS EE WADANKA MAREEKANKA.

 

WAXAAN DHAMBAAL HABALYO HALKAN UGA DIREYNAA TALIYAHA CIIDANKA BOOLISKA SOOMAALIYEED SAREEYE GAAS DR SHARIIF SHEKHUNA MAYE IYO SAREEYE GUUTO JEYLANI MAXAMED SHEKHUNA, ANAGOO AAD IYO AAD UGU FARAXSAN  DALACINTOODA OO AY KU MUTESTEEN KARTIDOODA, WAX QABABKOODA, WADANINIMADOODA, DAACADNIMADOODA HOWLKARNIMADOODA IYO IN AY U HUREEN NAFTOODA SIDII LOO BADBAADIN LAHAA JIRITAANKA QARANIMADA SOOMAALIYEED.

 

ANAGANA WAXAAN UGU DUCEYNAAN EBBE INNUU KU GARAB GALO FULINTA HOWSHOODA UNA SAHLO WAXQABADKOODA. 

 

HIILKA  AY U HAYAAN DOWLADDA IYO SHACABKA SOOMAALIYEED HIIL SAHLAN MA AHAN EE EBBOW KU GARAB GAL.

 

SIDOO KALE WAXAAN HALKAN KA CAMBAAREYNEYNAA SHAQSIYAADKA TASHUUSHKA KA DHEX WADA BEESHA DHEXDEEDA ISLA MARKAANA EEDEYMO AAN JIRIN OO AAN SAL IYO RAAD LAHAYN GOOBAHA FADHI KU DIRIRKA UGA JEEDINAYA MADAXDA QARANKA.

 

SIDOO KALE WAXAAN HALKAN HAMBALYO IYO BOGAADIN UGA SOO JEEDINAYNAA SULDAAN XAYDAR SULDAAN SUUFI SULDAAN MUNYE.

 

 

WABILAAHI TOWFIIQ  W/C

 

 AWEYS ABUU HAADI

 

  

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com