WARARKA BARAAWEPOST Khamiis 11 february 2010
Ciidamo Boolis ah oo lagu wado in dhowaan tababar looga furo dalka Masar Waxaa dhowaan la filayaa in tababar ciidamo Boolis ah oo ka tirsan DFKMG looga furo dalka Masar. arintani ayaa ka danbeysay ka dib markii DFKMG ee soomaliya ay codsiyo soo hordhigtay Dowalada Masar in tababar loo furo ciidamo Boolis maadaama ay ciidamadii hore qaarkood ay gaboobeen oo aysan xilligani gudan karin howsha qaranka uu kaga baahan yahay. Baarlamaanka FKMG oo eedeymo kulul u soo jeediyaya qaar ka mid ah waddamada carabta Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baaarlamaanka FKMG ee soomaaliya prof Maxamed Cumar Dhalxa oo saakay si weyn uga hadlay warbaahinta Muqdisho ayaa eedeeymo kulul u soo jeediyay qaar ka mid ah wadamada carabta. Prof Dhalxa ayaa sheegay in waddamadaasi carabta aysan ka qayb qaadan doorka dib u dhiska ay ku lahaayeen dalka soomaaliya isla markaana ay taariikhdu wax badan qori doonto. |