WARARKA BARAAWEPOST Talaado 12 january 2010 

 

 

Dagaalo culus oo ka socda qaybo ka mid ah gobolada Hiiraan iyo galgaduud

 

Dagaalo culus oo laysu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ay haatan ka socdaan magaalada B/weyn ee xarunta gobolka Hiiraan.


Dagaaladaasi ayaa waxa ay dhexmarayaan kooxaha xizbul islaam iyo ciidamo taabacsan Ahlusna iyo DFKMG ee soomaaliya, Dagaaladaasi ayaa laysu adeefasaday hubka loo yaqaan hoobiyaha kaasoo qasaaro xooggan u geeysatatay dadka rayid ah ee degan xaafadaha M/Beledweyn kaasoow ayu wax ka soo gaaren dad rayid ah.


Wararka laga helayo degaanada B/weyn ayaa sheegaya in 24kii saac ee la soo dhaafay ay ku naf waayeen illaa iyo 25 ruux tiro kalena afartameeyo ay ku dhaawacmeen taasoo u badnaa dad rayid ahi.


Sidoo kale waxaa uu maanta dagaal ka dhacay degaanka wabxo oo ka tirsan gobolka Galgaduud taasoo dhexmaraayo kooxaha xarkada alshabaab iyo Ahlusunaa wajamaaca.


dagaalada ayaan la ogeeyn qasaaraha dhabta ahi ee ay geysteen arimo la xiriira isgaasiin xumo aawadaaed, iyadoow qoloba qolada kale ay sheegayananayaan in guulo ay ka gaartay kuwaasoow inta badan ka hadlayay idaacadaha maxaliga ee Muqdisho.


Guud ahaan degaanada ay dagaalada ka socdaan ayaa waxaa hakad galay isu socodka gaadiidka iyo ganacsiga .

 

 

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com