WARARKA BARAAWEPOST Khamiis 12 July 2012 

 

 

Ciidanka booliska Soomaaliyeed oo Mushaharkoodii qaatay iyo dayactiro lagu sameeyay qaar ka mid ah saldhigyada booliska ee magaalada Muqdisho

Waxaa maalinimadii isniinta ahayd 9 bisha july ka bilaabatay xarunta Taliska ciidanka Booliska soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho bixinta mushaharaadkii ay xaqa u yeesheen ciidamada Booliska Soomaaliyeed kuwaasoo bilihii ugu dambeeyay aan qaadanan wax mushaharaad ah.

                         

Mushahar bixinta ayaa si habsami leh uga socotay taliska ciidanka booliska somaliyed waxaana, goobta mushaar bixintu ay ka socotay ay aheyd maanta markii aan booqanay mid aad iyo aad loo soo buux dhaafiyay iyadoo halkaasi aan ku aragnay ciidamo ka kala socday dhamaan qeybaha iyo hoggaanada kala duwan ee uu ka kooban yahay ciidanka booliiska kuwaasoo ay wajiyadooda ahaayeen kuwo farxadi ay ka muuqato.

 

Ciidamada ayaa la arkayay iyagooo safaf dheer ugu jira goobta ay ka socotay mushar bixinti iyadoo bixinta lacagtuna ay si habsami ah u socotay, waxaana goobta ku sugnaa guddiyo ay UNDP, UNIPOS, AU iyo AMISOM  u xusheen inay kormeer ku sameeyaan  oo ay soo indha indheeyaan sida lacagta loo bixinayo, sidoo kale taliyaha ciidanka boliiska ayaa isaguna laf ahaantiisa muddo kooban goobjoog ka ahaa  goobtii ay lacag bixintu ka socotay.

 

Mid ka mid ah ciidankii mushaharka qaatay oo aan halkaas kula kulanay ayaa nagu yiri ”Bishaan bilaha kale ee aan mushaaraadka qaadan jiray waa ay iiga farxad badan tahay waayo sida aad og tahay waxaa foodda nagu soo heyso oo ay maalmo yar uun ka harsan yihiin bishii barakeysneyd ee Ramadaan.

 

Waxaa sidoo kale beryahan si xowli ah ku socoto dayactirka iyo dib u dhiska lagu samaynayo qaar kamid ah saldhigyadii ciidamada boolisku ku lahaayeen degmooyinka gobolka Banaadir kuwaasoo dagaalada ku bur buray.

Saldhigyada la dayactiray illa iyo haatan ayaa waxay kala yihiin

 

1- saldhiga Booliiska Hodon

2- saldhiga Booliiska Cabdicaziiz

3- saldhiga qeybta guud ee gobolka Banaadir

4- Saldhiga Wardhiigley

5- Saldhigga Kaaraan

 

 

Dhamaan qarashka ku baxaya dayactirka iyo dib u dhiska saldhigyadaas ayaa waxaa jeebkooda ka bixiyay dhamaan ciidamada booliska Soomaaliyeed kuwaasoo mar walba oo ay mushahar qaadanayaan laga jaro lacag yar oo gaareysa illaa iyo shan dollar qofkiiba kaasoo ay ciidamadu ugu tala galeen inay ugu tabarucaan dib u dhiska dalkooda iyo dib u soo nooleynta adeegii bulshada ee muddada kow iyo labaatanka sanno burbursanaa.

 

Mid ka mid ah ciidamadii mushaharka qaatay oo isna aan wax ka waydiinay sida uu u arko in qayb yar oo mushaharkiisa ka mid ah uu ugu deeqo dalkiisa ayaa wuxuu noo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay isla markaana uu arrintaas awgeed mahad ballaaran ugu jeedinayo taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Shariif Sheekhuna Maye kaasoo sida askarigu uu inoo sheegay lahaa soo jeedinta fikirkaas.

 

 

”Taliyaheena markii uu xilka qabtay isla markaana ku guuleystay inuu noo soo dhiciyo xuquuqdii naga maqnayd oo uu mushaharku ugu horeeyo ayaa wuxuu isbeddeladii uu la yimid taliye S/gaas Shariif Sheekhuna ka mid ah inuu soo jeediyay in mar walba oo mushahar la qaadanayo askari walba laga qaado qidmo gaareysa in ka yar shan dollar taasoo loogu tala galay in lagu daboolo baahida kale ee ciidanka haysata ee ay ka mid tahay in la helo goobihii ay ku hawlgali lahaayeen ciidamada ee ay saldhigyaduka mid yihiin”

 

 

Diyaar baan u nahay sidaan nafteena ugu hurnay difaaca dalkeena iyo sugidda amniga inaan qayb ka mid ah hantideenana ugu deeqno dalkeena ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

 

Canshuur yar oo aan mushaharkeena ku bixino si dalka loogu dhiso iyadoo weliba goobaha la dhisayo ay yihiin saldhigyadeena ceeb iyo cillad tuna uma aragno waayo biyo sacabadaada ayaa looga dhergaa” ayuu hadalkiisa ku soo gababgabeeyay askarigaas ka mid ahaa askartii maanta qaadatay mushaharkooda.

  

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com