WARARKA BARAAWEPOST arbaco 12 september 2012 

 

 

Salaadiinta iyo malaaqyada beelaha Digil iyo Mirifle oo dhambaal hambalyo ah u diray madaxweyne Xasan Sh Maxamuud

 

 

Dhambaal hambalyo ah oo ay na soo gaarsiiyeen isla markaana ay ku saxiixnaayeen dhamaan odayaasha dhaqanka ee Beelaha Digil iyo Mirifle oo isugu jira salaaddiin iyo Malaaqyo, kuwaasoo ku sugan magaalada Muqdisho isla markaana ka qayb galay shirkii odaytasha dhaqanka ee beelaha Soomaaliyeedku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa waxay hambalyo iyo bogaadin ugu direen madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud.,

Salaadiinta iyo Malaaqyada beelaha Digil iyo Mirifle ayaa waxay dhambaalkooda in iyagoo ku hadlaya magaca beelaha ay matalaan ay halkan ka caddeynayaan inay si buuxda u taageersan yihiin Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane dr Xasan Sheekh Maxamuud.

WAxay sidoo kale odayaasha dhaqanka ee beelaha Digil iyo Mirifle ay sheegeen inay si buuxda oo hagar lŠan ah ula shaqayn doonaan madaxweynaha una taagreesan yihiin.

Waxaynha ugu dambeyn madaxweyne Xasan Sh Maxamuud illaahay uga baryeen inuu illaahay ku garab gal xilka culus ee uu xambaarsan yahay, sidoo kalena waxay ugu baaqeen dhamaan xildhibaanada,siyaasiyiinta iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeen inay si buuxda u taagreena isla markaana ula shqaqeeyaan madaxweyn ha si gudashada waajibaadkiisa qaran ay ugu fuddudaato.

  

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com