WARARKA BARAAWEPOST Sabti 14 august 2010 

 

 

 

Sharciga cusub ee Hayadda socdaalku soo saartay oo lagu sheegay mid sii kala fogeynaya qoysaska Soomaaliyeed.

 

Sharciga cusub ee ay hayadda socdaalka ee dalka Sweden ” Migrationsverket” ku soo rogtay dadka doonaya in eheladoooda ama xaasaskooda iyo caruurtooda loo keeno ayaa waxaa lagu sifeeyay inuu yahay qodob adag oo sii kala fogeynaya dadka ehelada ah ee doonaya inay dib u midoobaan.

 

Sharcigan cusub ayaa wuxuu si gaar ah u taabanayaa dadka Soomaalida ah maaddama uusan jirin Basaboor Somali ah ama waraaq aqoonsi oo dowladda Sweden ay aqoonsan tahay.

 

Waxay ahayd sannadkii 1997 markii dowladda Sweden ay xayiraad ku soo rogtay baasaboorada ama waraqaaha aqoonsiga ee Somalia ee la sameeyay wixii ka dambeeyay 1991 burburkii dowladdii dhexe kadib.

 

Xogahayaha u qaabilsan arrimaha qaxootiga  Ururka Isbahaysiga Soomaaliyeed ee Sweden Cabdulqaadir Shariif oo wareysi dheer siiyay wargeyska lagu magacaabo Fria Tidningen ayaa wuxuu ku sheegay sharcigaas cusub amaba goaankii ay gaartay Laanta socdaalku uu yahay mid aan macquul ahayn  maaddama qoysas badan oo soomaaliyeed ay ku kala lumeen dagaalada haatan markii ay fursad u heleen inay dib u midoobaana in lagu xiro shuruudo adag oo xayiraya inay dib isu helaan oo u midoobaan inay tahay wax aanan la qaadan karin .

 

 

Cabdulqaadir ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in ururka isbaheysigu uu waraaq codsi iyo cabasho isugu jira u diray xukuumadda Swden taasoo ay kaga codsanayaan in qaxootiga soomaaliyeed laga qaado xayiraaddaas oo loo oggolaado fursadna loo siiyo inay codsan karaan baasaboorka qaxootiga ee ku meel gaarka ah ee ay bixiso sweden, maaddama horeyba sharcigu uu oggolaa in fursad loo siiyo in ay codsan karaan baasaboorada noocaas ah maaddama Sweden aysan aqoonsanayn baasboorka Soomaaliga ah.

 

Cabdulqaadir Shariif ayaa sidoo kale  waxa uu xusay in xukuumaddii jirtay 1997 markii ay mamnuucday isticmaalka iyo aqoonsiga baasaboorka Soomaaliyeed ay isla marahaantaa siisay dadka fursad ah inay isticmaali karaan oo ay dalkan ku soo gali karaan kagana dhoofi karaan baasaboorada qaxootiga ee ku meel gaarka ah "Främlingspass ama Alliens Pass" sidaa darteed uusan garan karin sababta keentay in haatan isla fursaddaas dib loogala noqdo Soomaalida isla markaana la aqoonsan waayo baasaboorka Soomaaliga.

 

Sidoo kale afhayeen u hadlay Laanta socdaalka kaasoo lagu magacaabo Bo Anderberg ayaa isna sheegay in qodobkaas uu yahay shardi adag oo siweyn u saameeyay qaxootiga soomaaliyeed iyo weliba sidoo kale kuwa ka yimid dalalka Eritrea iyo Afghanistan isla markaana wixii ka horeeyay intii uusan sharcigan soo bixin boqlkiiba sagaashan ”90 %” soomaalida loo keeni jiray qoysaskooda.

 

Bo anderberg ayaa sidoo kale qiray in qoaankaasu uu yahay mid ay siyaasad ka dambeyso isla markaana maaddaama ay haatan cabashadu badatay ayasan layaab ku jnoqon doonin haddii sharcigaas la beddelo haseyeeshee uusan sheegi karin goorta uu isbeddelkaasi dhici doono.

Wareysigii uu qaaday joornaalkaas isagoo dhan oo af swedish ku qoran ka aqriso halkan

 

 http://www.fria.nu/artikel/84810

 

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com