WARARKA BARAAWEPOST Axad 16 July 2011 Suldaanka guud beesha Shangamaas/Laba tol iyo Toore iyo Ugaasyada beeshaas oo baaq ka soo saaray abaaraha Suldaanka,Ugaaska,Nabadoonada,Samadoonada iyo waxgaradka Magacyadooda hoos ku qoran yihiin waxay qaylo dhaan Ka muujiyeen macluusha ka jirta guud ahaan wadanka Soomaaliya,gaar ahaan dhinaca koonfureed waxayna ugu baaqayaan dhamaanhay'adahasamafalka,Dawlada FKMG ah ee Soomaaliya iyoJaaliyadaha Soomaaliyeed ee qurbaha kunool,in si Degdeg ah kaalmo banii'aadaminimo ula soo gaaraan dadka ay abaartu wax yeeleysay ee gaajada u dhimanaya Xoolihiina ka dhamaadeen,iyadoo xiligaan aan la joogin xilli mansab ama siyaasad la iskuqabsado,ee waxaa la joogaa xilli la badbaadinaayo shacabka gaajada u dhimanaayo. Waana la gaari doonaa xilli qof walba lagula xisaabtamaayo wax qabadkiisa. Gurmad W acan 1- SuldaankaGuudee BeeshaTunni Shangamaas laba Tol iyoTunni Toore Suldaan Xeydar Suldaan Suufi Suldaan Munye 2- Ugaas C/qaadir Amiin Loolow 3- Nabadoon Maxamuud Cusmaan C/rahmaan 4- Nabadoon Aweys Nureini Sayid 5- Nabadoon Aweys Abuu Haadi 6- Dr.Mohamed Cumar Faqi 7- Samadoon Amiin Munye Cabdow 8- Nabadoon Sheekh Mohamed Abuu(Sheekh maana yasiini) 9- Samadoon Cusmaan Amiin Munye 10- Samadoon Kaale Xaaji Rufaaci 11- Nabadoon Ibraahim Jeylaani Mohamed 12- Samadoon Axmed Mohamed Saaleh 13- Nabadoon C/qaadirAweys 14- Nabadoon Xasan Nuur Buurfuul 15- Samadoon Sayid Munye Shamcuun 16- Samadoon Eeno Ibraahim Kuusow Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com |