WARARKA BARAAWEPOST Axad 16 oktober 2011 

 

 

    

 

Maleeshiyooyinka Shabaab oo gebi ahaanba isaga baxay magaalada Afmadow iyo ciidamada dowladda oo ku sugan magaalada afaafkeeda

Ciidamada isbahaysanaya ee kala ah ciidamada qalabka sida ee DFKMG iyo xoogagga raaskambooni ee uu madaxda u yahay Sh Axmed Madoobe ayaa ayaa gaaray nawaaxiga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose iyagoo aanan la kulmin wax iska caabbin ah maaddaama maleeshiyooyinkii kooxda Shabaab ay xalay degmadaas isaga baxeen inta aysan ciidamadu soo gaarin.

Sida laga soo xigtay saraakiisha hoggaamineysa ciidammada howlgalka ka wada gobollada Jubooyinka ayaa waxay sheegeen in saacadaha soo socda ay ciidammadu si buuxda ula wareegi doonaan gacan ku heynta degmada Afmadoow.

Saraakiisah ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada dowladdu ay haatan ku howlan yihiin sugidda ammaanka dhulkii ay shalay illaa iyo dorraad kala wareegeen malweeshiyooyinka Shabaab oo ay baaris xooggan ka wadaan dhowlka howdka ah ee ku yaal goobaha ay la wareegeen.

Waraar xogogaal ah oo laga helayo ilo wareedyo ayaa sheegaya in maleeshiyooyinka shabaab ay magaalada uga tageen hub fara badan oo isugu jira qoryaha boobayaasha ah ee garabka lagu qaato iyo gaadiid dagaal oo ay u suurta gali weysey inay halkaa kala baxaan roobab lixaad leh oo maalmihii ugu dambeeyay halkaa ka dayay oo gooyay waddooyinka ka baxa magaalada awgeed.

Degmada Afmadow oo katirsan gobolka Jubbada hoose waxay qiyaastii 120km dhanka galbeed kaga beegan tahay caasimadda gobolkaas ee  Kismaayo, waxayna saldhig ciidan oo muhiim ah u ahayd maleeshiyooyinka xarakada Alshabaab ee gacanta ku haya gobolkaas, waxayna degmadani nioqonaysaa goobtii labaad ee ka tirsan gobolka Jubbada hoose oo ay Alshabaab ka baxaan iyadoo wax dagaal ah uusan dhicin.

Dhanka kalena hoggaamiyaha xarakada Raaskambooni Sheekh Axmed Madoobe ayaa maanta ka hadlay dagaalada ka soconaya deegaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka,wuxuuna sheegay in ay dagaaladaasu sii socon doonaan illaa iyo inta ay kooxda Al-shabaab ka saarayaan jubooyinka.

Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) ayaa sidoo kale sheegay inay guulo ka gaareen dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay gobolka jubbada hoose isla markaana ay kala wareegeen Al-shabaab deegaano badan oo ka  tirsan gobolka.

Axmed Madoobe ayaa sheegay inay wadaan qorshayaal dagaal oo ku wajahan  kooxda Al-shabaab wuxuuna cadeeyay inay ka mideysan yihiin ciidamadiisa iyo kuwa dowladda FKMG ee Somalia sidii ay gobolada koonfureed uga xoreyn lahaayeen kooxda Al-shabaab.

Sheekh Axmed waxaa hadaladiisa ka mid ahaa “Waan ka ciribtireynaa Khawaarijta Al-shabaab dalka, dagaaladana waxay istaagi doonaan marka aan xaqiijino inay gacanteena soo gashay Koonfurta sidaad la socotaan waa uu bilowday jabkii Al-shabaab”

Axmed Madoobe wuxuu Shabaabka ku sifeeyay inay yihiin cadow loo soo diray ummadda Soomaaliyeed, hase yeeshee ay eebbe idinkiis ka saari doonaan gebi ahaanba geyiga Soomaaliyeed.

Wasiirka gaashaandhigga ee DFKMG oo soo kormeeray xaafadihii dhowaan laga saaray Shabaab

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga ee DFKMG isla markaana ah ku xigeenka Raiisal wasaaraha Xuseen Carab Ciise oo ay la socdaan xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo saraakiisha ciidamada ayaa maanta kormeer howleed ku tagay goobihii dhawaan laga xoreeyay maleeshiyada shabaab.

Wasiirka oo ay la socdeen wasiir ku xigeenka maaliyadda iyo lacagta Cali Dirir Faarax  Abaanduulaha ciidanka  XDS  General C/kariin Dhego badan iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada xoogga ayaa kormeer ku soo kala bixiyay dhamaan goobihii  laga xoreeyay kooxda shabaab waxaana goobahaasi ka mid ahaa xaafado ka tirsan degmooyinka Kaaraan,  Huriwaa,  Hodan iyo Suuqa Bakaaraha waxaana wasiirku uu socod lug ah ku soo maray difaacyada ay sameysteen ciidamada XDS  oo gacan ka helaya kuwa Amisom.

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka G/sare Dhaga badan ayaa sheegay in ay ciidamadu diyaar u yihiin in ay dalka oo dhan ka sifeeyaan kooxda shabaab wuxuuna hoosta ka xariiqay in dhiirigelin  ay u tahay ciidamada in uu  wasiirka gaashandhigga  ku soo booqdo difaacyadooda.

Sidoo kale wasiirka gaashaandhigga  oo isna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay  soo  kormeerida  goobaha ay xoreeyeen ciidamada qalabka sida waxa uuna tilmaamay in howlgallada ay ka socdaan dhammaan gobollada dalka si looga xoreeyo cadawga.

Muadane Xuseen Carab Ciise ayaa dhanka kale ugu baaqay  ajaaniibta dambiileyaasha ah  ee ku soo duulay dalka in ay isu soo dhiibaan ciidamada isla markaana ay ciidamadu cagta marin doonaan cid walbo oo ka soo horjeesata qaranimada ummada Soomaaliyeed.

  

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com