WARARKA BARAAWEPOST Arbaca 17 february 2010
Maamulka Puntland oo eedeeymo u soo jeediyay maraakiibta shisheeye ee illaalada ka ah xeebaha soomaaliya Wasiirka kallumeysiga iyo kheyraadka Badda ee Maamul Goboleedka Puntland Maxamed Faarax oo saakay ka hadlay qaar ka mid warbahinta Muqdisho ayaa sheegay in Maraakiibta shisheeye ee ilaalalada ka ah xeebaha soomaliya ay yihiin kuwa u yimid in ay fushadaan danahooda gaarka ah , sidoo kale waxaa uu ku eedeeyay inaysan wax howlo ah ka hayn xeebah soomaliya hawlgalkoodana uu yahay mid been guur ah. Gabgabadii ayaa waxaa uu sheegay in in ka badan 26 markab ay ogyihiin in ay ka howlgalaan xeebaha soomaliya haddana maalin walb ay burcad badeedku qafaashaan maraakiib hor leh taasoo u muuqata qolo waliba inay wadato howlo iyada u gaar ah loona baahan yahay in caalamka uu wax ka bedelo arimahasi ka socda xeebaha soomliaya . Dagaalo saakay waabarigii ka dhacay EX koontorool degmada Afgooye Dagaalo socday qaddar daqiiqado ah ayaa waxaa uu saaka waabarigii ku dhexmaray ciidamo kawada tirsan ciidamo Dowladda FKMG ee soomaaliya ee fariisinka ku leh EX koontorool degmada Afgooye iyo Muqdisho.
Guud ahaan arimahani ayaa waxaa ay sumcad xumo ku yihiin ciidamada DFKMG oo u muuqda kuwa u dhaqmaya sidii maleeshiyaadkii hogaamiye kooxeedyada la shaqeeysan jiray. Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com |