WARARKA BARAAWEPOST Axad 17 january 2010 Ururka Somali Southern Community Council oo deeq gaarsiiyay agoonta Baydhabo Ururka Somali Southern Community Council ayaa deeq lacageed oo gaareysa shan boqol oo dollar gaarsiiyay agoonta ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, waxaana tariikhdu markii ay ahayd 28/12/09 lacagtaas loo qeybiyay agoontaas.
Ma aha markii ugu horeysay ee ururka Somali Southern Community Council ee xaruntiisu tahay dalka Australia ay deeqo noocaas oo kale ah gaarsiiyaan qeybo ka mid ah gobolada ay degaan bulshada ku abtirsata beelaha Digil iyo Mirifle.
Waxaana mar aan qadka teleefanka kula xiriirnay Eng Ibarahim Ali Omar Shegow uu inoo sheegay in ururkoodu uu ku tala jiro in uu deeq noocan oo kale ah u fidiyo dadka la il daran cudurka qaaxada ama TB da eek u dhaqan goboladaas gaar ahaana kuwa ku sugan magaalooyinka Barawe iyo Baidoa.
Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com |