WARARKA BARAAWEPOST axad 17 june 2012 

 

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Shariif Sheekhuna iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Dr Shariif Sheekhuna Maye iyo wafdi uu hoggaaminayay oo ka koobnaa saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho .

Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee  magaalada Muqdisho ”Aadan Cadde International Airport” ku soo dhoweeyay saraakiil ka socotay hoggaanada kala duwan ee uu ka kooban yahay ciidanka Boolsika Soomaaliyeed.

  

S/gaas Shariif Sheekhuna Maye iyo wafdigiisa ayaa waxay ka soo kcitimeen magaalada Nairobi halkaasoo ay uga soo qayb galeen aqoon isweydaarsi ku saabasan ka hortagidda tacadiyada lagula kaco dumarka iyo daryeelka dumarka caruurta ”  Gender based violence”

 

Aqoon isweydaarsigaas oo socday muddo toddobaad ah ayaa waxaa  shalay lagu soo gababgabeeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaana muddadii uu socday halkaas laga aqriyaya khudbado iyo duruus ku saabsan  ka hortagidda dambiyada iyo tacaddiyada loo geysto dumarka ”  Gender based violence.

  

Aqoon isweydaarsigaan ayaa waxaa ka soo qayb galay xubno ka kala socday ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo uu hor kacayay Taliyaha Ciidankaas S/Gaas Shariif Sheekhuna, Booliska AMISOM,wasaaradda horumarinta haweenka iyo daryeelka qoyska ee DFKMG ah ee Soomaaliya, wakiilo ka kala socday waddamada  Itoobiya,Sierra Leone, Ruanda iyo wasaaradda caafimaadka ee DFKMG ee Soomaaliya.

 

Ambassador Boubacar Diarra oo furitaankii shirka qudbad ka jeediyay ayaa ku amaanay ugana mahadceliyay dadaalka dowladda FKMG ah ee Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Shariif Sheekhuna ay ugu jiraan sidii kor loogu qaadi lahaa tayada iyo aqoonta ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuuna kula dardaarmay qabanqaabiyeyaasha iyo ka soo qayb galayaashii aqoon isweydaarsigaan in mudnaanta koowaad la siiyo sidii looga hortagi lahaa loolana dagaalami lahaa tacaddiyada lagula kaco dumarka.

 

Sidoo kale AMISOM Police Commissioner Dr. Charles Makono ayaa isna dhankiisa sheegay in qabashada aqoon isweydaarsigaan iyo kor u qaaddida iyo dib u dhiska ciidan Booolis Soomaaliyeed oo tayo leh ay ka mid tahay howlaha loo igmaday AMISOM Police inay ka fuliyaan Soomaaliya.

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Dr Shariif Sheekhuna Maye ayaa wuxuu isna gabagadii shirka uga mahad celiyay AMISOM qabanqaabinta iyo qabashada aqoon isweydaarsigan.

 

   

 

S/Gaas Sheekhuna taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed wuxuu carrabka ku adkeeyay sida ay muhiim u tahay isla markaana ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay uga goán tahay badbaadinta iyo difaaca dadka tabarta yar ee ay dumarku iyo caruurtu ka mid yihiin, wuxuuna sheegay in har iyo habeen ay boolisku u taagan yihiin illaalinta xuquuqda ay dumarku ku leeyihiin bulshada dhexdeeda.

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Shariif Sheekhuna ayaa sidoo kale ka qayb galayaasha aqoon isweydaarsigaas u sheegay in inkastoo lagu jiro marxalad adag isla markaana ay boolisku soomaaliyeed ku shaqaynayaan xaalado iyo duruufo adag  haddana taas aysan marna ka hor istaageynin isla markaana aysan marmarsiiyo u noqon karin in la fududeysto ama la dayaco ilaalinta sharafta iyo xuquuqda muwaaddinka Soomaaliyeed.   

 

 

  

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com