WARARKA BARAAWEPOST Khamiis 18 february 2010 

 

 

 

Booliska DFKMG oo baaritaano ka wada waddada Maka almukarama

 

Howlagalkii ugy balaarnaa ayaa saakay ay ka bilaabeen ciidamo ka tirsan Booliska  DFKMG ee soomaaliya gaaar ahaan waddada wadnaha iyo tan maka almukarama ee magaalada Muqdisho.


Howlgalkaasi ayaa waxaa lagu baarayaa dadka iyo gaadiidka halkaasi maraaya oo ay ciidamo buux dhaafiyeen .

 

Waxaana aad u yar isu socodka gaadiidka oo inta badan biloowda wixii ka danbeeya 11 barkhanimo maaddama daka ku dhaqan magaalada Muqdisho ay saacadaha hore ee subaxii ku hakadaan guryahooda iyagoo ka warsugaya sida xaalaka magaaladu uu noqon doono subaxaas ama haddii ay dagaalo ka bilowdaan iyo haddii kaleba si haddii uu dagaal u dhaco ay guryahooda iska sii joogaan.

Baaritaanka maanta bilowday Arintani ayaa ka danbeeysay ka dib markii uu dil ka badbaaday Yuusuf Indhacadde oo ku magacaaban wasiiru dowlaha gaashaandhigga DFKMG kaasoo isagoo maraya agagaarka daarta Tre Piano lagulaa beegsaday qarrax loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

 

Qarrax xalay ka dhacay agagaarka xeradii Aviazione ee magaalada Muqdisho

 

Abaarihii  siddeedi iyo barkii fiidnimo ee waqtiga geeska Afrikada bari ayaa waxaa qarrax weyn uu gilgilay kaasoo ka dhashay bamka dhulka lagu aaso ee ka dibna loo adeegsado rimuudka meel u dhow xaafadda afisiyooni oo ka tirsan degmada Xamar jajab ee goblka Banaadir.

                     


Gudoomiyaha degmada Xamar jajab Axmed sheekh oo saakay si kulu uga hadlay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay inuu qarraxaasi waxyeelo ka soo gaartay kooxihii damcsanaa in ay halkaasi ku aasaan waxyaabahaasi qarxa isla markaasna aysan jirin wax qof shicib ah oo ay wax ka soo gaareen waxaana uu yiri waa alle mahadii hadddii ay ku noqdeen dadkii wax maleeygayay.

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com