WARARKA BARAAWEPOST isniin 18 July 2011 

 

    

Ururka Southern Somali Community Council oo deeq gaarsiiyay dadka ku jira xerada Taleex

 

Ururka Southern Somali Community Council ee ka dhisan dalka Australia ayaa kaalmo lacageed soo gaarsiiyay dadka barakacayaasha ee ka soo barakacay degaanadooda abaraaha ka dhuftay gobolada koonfureed awgeed.

Dadkan barakacayaasha ee kaalmada lacageed loo fidiyay ayaa waxay yihiin kuwa ku jira xerada ku taal Taleex ee degmada Hodan.

Kaalmadan ayaa wuxuu ururku u wakiishay inay gaarsiiyaan dadkaas tabaaleysan guddiga golaha odayaasha beelaha Digil iyo Mirifle ee gobolka Banaadir.

 

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com