WARARKA BARAAWEPOST arbaca 18 may 2011 

 

 

    

Madaxweynaha DFKMG oo booqday xarun lagu soo dhoweeyo dhalinyarada

Madaxweynaha DFKMG ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa shalay booqday xarun loogu talagalay in lagu soo dhaweeyo laguna dhaqanceliyo dhalinyarada ka soo baxsanayso kooxda nabad diidka ah ee Al-Shabaab.



Madaxweynaha ayaa waxaa booqashadiisa ku weheliyey Wasiir ku Xigeenka wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Ibrahim Isaaq Yaroow, Talliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, sareeye guuto Shariif Sheekhuna Maye Ku xigeenka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mudane Wafula Wamunyinyi iyo Gen Mungisha oo ah taliyaha Ciidamada Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa hadal yar oo uu halkaas ka jeediyay ku sheegay in xaruntan lagu daryeeeli doono dhalinyarada sida isdaba jooga ah uga soo baxsaneyso Al-Shabaab wuxuuna sidoo kale ku balanqaaday in ay dhalinyarada ay ka heli doonaan daryeel isugu jiro waxbarasho, caafimaad, iyo nolol ka wanaagsan tii hore ay u heysteen.

Ugu danbeyntii Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa wuxuu halkaas ugu mahadceliyay
masuuliiyiinta wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ,Taliyaha ciidanka Booliska iyo dhamaan hayadaha iyo dadkii gacanta ka geystay dib u dhiska xaruntaani.

  

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com