WARARKA BARAAWEPOST Talaado 18 oktober 2011 

 

   

 

Kulan looga hadlayey qoysaska Soomaaliyeed ee kala maqan oo ka dhacay magaalada Göteborg

Waxaa xalay ka dhacay magaalada Göteborg kulan ay soo qabanqaabiyeen xubnaha jaaliyadda puntland ee magaalada Gothenburg kaasoo lagu martiqaaday Maria Ferm oo ah afhayeenka xisbiga Miljöpartiet u qaabilsan arrimaha qaxootiga, Frida Jonsson oo ka socotay ururka FARR isla markaana xubin ka ah Nätverket för familjeåterföreningen, Abdulkadir Shariif Sheekhuna oo ah xoghayaha ururka isbahaysiga (Somaliska riksförbundet i Sverige) u qaabilsan arrimaha qaxootiga, xubno kale oo ka socday xisbiga miljö partiet iyo Soomali badan oo ku nool magaalada Göteborg.

      

Shirkan oo ujeeddadii laga lahaa ay ahayd in xisbiga Miljö party uu faahfaahin ka bixiyo heshiiska arrimha qaxootiga ee ay dhowaan la galeen xukuumadda haysa talada dalkan Sweden.

Abdullahi Jowhar oo ah guddoomiyaha ururkii soo qabanqaabiyay shirkan isla markaana xubin ka ah xisbiga Miljö party oo furay shirkaas ayaa ugu horeyn ku soo dhoweeyay hadalka Maria Ferm taasoo si qoto dheer uga hadashay waxyaabaha ku qoran heshiiskas iyo goorta ay filayaan inuu hirgalo sharciga fududeyn doona mideynta qoysaska.

         

Intaa kadib waxaa hadalkii si wadajir ah loogu wareejiyay Frida Jonsson iyo Abdulkadir Shariif kuwaaso o iyana ka hadlay ururada ay matalaan iyo dadaalkii ay ka geysteen ururadaasi si wax looga qaban lahaa xaaladda qoysaska soomaaliyeed ee kala maqan.

Abdulkadir ayaa wuxuu dadweynihii Soomaaliyeed ee halkaas fadhiyay u sheegay dhamaan dadaalka ururku ugu jiro  midaynta qoysaska kala maqan,isagaoo kaashanaya ururka FARR, ilaa iyo haddana howsha dadaalkeedu socdo, abdulkadir wuxuu kaloo sheegay in  5ta bisha november uu ururka Farr ku qaban doono Göteborgs Handels Högskola siminaar looga hadlayo mideynta qioysaska kaasoo ay qudbado ka soo jeedin doonaan laba sharciyqaan "Jurister" masuul ka socda Migarationsverket, Maria Ferm oo ka socota Miljöpartietka, Frida Jonsson iyo Terje Holmgren oo ka socda ururka FARR iyo Abdulkadir Shariif oo ka socda ururka isbahaysiga, sidaa darteedna ay muhiim tahay in laga soo wada qaybgalo.

                      

Sidoo kale Abdulkadir wuxuu sheegay in bisha oktober 28 deda uu ururka isbahaysigu  la kulmi doonaa wasiirka qaxootiga Tobias Billström taasna waxay marqaati u tahay in ururku uu had iyo jeer u taagan yahay danaha Soomaalida ee soomaaliyeey ha is oranin cidna idinma maqna ayuu yiri Abdulkadir Shariif

Sidoo kale Abdulkadir Shariif ayaa ku dhiirigeliyay dadka soomaaliyeed inay kaalin horseed ah ay ka qaaataan sidii ay dhibaatooyinka haysta ay u maareeyn lahaayeen iyagoo aan marna qof saddexaad isku haleynnin ee ay tahay biyo sacbadaada ayaa looga dhergaa.

        

Bisha November waxaa qorsheysan in mudaaharaadyo waaeyn laga dhigo badi magaalooyinka waaweyn ee Sweden, waxaana reer Göteborg aan ka codsanayaa inay isu soo baxaas kaalin weyn oo wax ku ool ah ka qaatan si aysan u dhicin in qof walba inta uu gurigiisa iska fadhiyo inuu howsha qof kale ku haleeyo oo goor dambe taleefan soo diro isku dayo inuu wax ka ogaado sida ay wax u dhaceen.

Soomaaliyeey waa inaad kacdaan danihiina ka shaqaysaan idinka oo la kaashanaya walaalaha swedishka ah ee ka damqanaya dhibkeena idinkuna waa inaad ahaataan kuwa mar walba hoggaanka  haya ee yaysan dhicin in dad kale idin hoggaamiyo ayuu abdulkadir hadalkiisa ku soo gabagabeeyay. 

          

Sawiro kale oo ku saabsan kulanka halkan hoose ka daawo

https://picasaweb.google.com/109025286166324474829/Kulankii?authuser=0&feat=directlink&gsessionid=xdnZ3rQns4nqenLPCa54Kw#

  

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com