WARARKA BARAAWEPOST Axad 1 July 2012 

 

 

Dabaaldegga maalintii qaranimada Soomaaliya oo xulay si weyn looga xusay magaalada Muqdisho

 

Munaasabad lagu xusayay maalinta 1da Luulyo oo ah maalintii qaranimada Soomaaliya oo gobolada koonfureed ee dalka ay xoriyadda ka qaateen gumeysigii Soomaaliya isla markaana ay midoobeen goboladii waqooyi iyo Koonfur ayaa xalay saqdii dhexe lagu qabtay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalaia ayadoo munaasabadaasina ay kasoo qeybgaleen madaxda sare ee Dalka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxdii goobjoogga ka ahayd munaasabadda ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ay la socdeen marwooyinkiisa, Gudoomiyaha Maxkamadda Sare mudane Avvocato Ceydiid Ilkaxanaf,Kusimaha Ra’isulwasaaraha dalka ahna wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo ay wehliyeen wasiiro ka tirsan xukuumadda,duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan,Safiirro,Taliyeyaasha Ciidammada Xoogga Dalka iyo Booliiska S/gaas Cabdulqaadir Sh Cali Diini iyo S/gaas Shariif Sheekhuna Maye ,saraakiil ka socotay AMISOM,xildhibaanno,odayaal dhaqameed,abwaaniin iyo fanaaniin.

Ugu horeyntii waxaa goobta kusoo bandhigay suugaan isugu jirtay heeso,riwaayado iyo gabayo ka hadlaya qiimaha xoriyadda isla markaanaa xambaarsanaa fariimmo wadaniyadeed kooxaha Waaberi,Danan iyo Deegaan.

Munaasabadda oo bilaabatay 08:00 fiidnimo ayaa markii ay aheyd 12:00 habeenimo ee saqda dhexe waxaa barxadda Madaxtooyada lagu saaray Calanka quruxda badan ee Buluugga xiddigta cad ee shanta gees leh dhexda kaga taal  ayadoo cutubyo ka tirsan Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya ay salaan sharaf ka qaateen Madaxda Qaranka.

Mudane C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo ah kusimaha Ra’isulwasaaraha ahna Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo munaasabadda khudbad kooban ka jeediyey ayaa guud ahaanba shacabka ugu hambalyeeyey munaasabaddan qiimaha iyo qaayaha leh ayadoo kadibna uu kusoo dhaweeyey hadalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Madaxweynaha DFKMG Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed oo isna munaasabadda ka jeediyey khudbad aad u dheer ayaa uga hadlay marxaladihii kala duwanaa ee uu dalku soo maray iyo heerka maanta ay hiigsanayaan shacbiga Soomaaliyeed oo ah horumar iyo nabad ku soo dabaalid.

Munaaabadda ayaa la soo gabagabeeyay abaarihii 03:00 habeenimo iyadoo ay ammaanka guud ee caasimadda ay xalay si weyn u adkeeyeen Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Munaasbaddan ka dhacday Villa Somalia ayaa sidoo kale waxaa munaasabad kale lagu qabtay xarunta taliska ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed ee Villa Baydhabo .

  

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com