WARARKA BARAAWEPOST talado 20 december 2011 

 

 

    

Xuska sanadguurada 68aad ee aasaaska ciidanka boliiska soomaaliyeed oo maanta lagu qabtay Muqdisho

Waxaa maanta oo bisha december ay ku beegan tahay 20 lagu qabtay magaalada Muqdisho munaasabad lagu xusayay aasaaskii ciidanka booliska soomaaliyeed oo ku beegan 20 december 1943.

Munaasabadda maanta oo loogu damaashaadaayay sannadguuradii 68aad ee aasaaskii CBS ayaa waxaa xaflad lagu weyneynayay munaasabbadan lagu qabtay dugsiga sare ee tababarka booliska ee magaalada Muqdisho oo loo yaqaano Akadeemiyada General Kaahiye.

  

Munaasabadda ayaa waxa ka soo qeyb galay gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sh Aadan, Wasiirka warfaafinta Cabdulqaadir jaahweyn oo ah ku simaha R/wasaaraha, wasiirka aarimaha Gudaha iyo amaanka qaranka mudane Cabdisamad Macallin mas’uuliyin ka socotay maamulka gobalka Banadir saraakiil, genaraallo dableey ka tirsan ciidamada booliska iyo weliba qaar ka mida gudoomiyayaasha degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka Banaadir haweenka qaranka Soomaaliyeed kooxda musikada ee ciidanka boliiska iyo marti sharaf kale.

  

Masuuliyiinti  ka soo qeyb gashay munaasabadda waxay ugu horeyn ayaa salaan sharaf ka qaateen cutubyo ka tirsan ciidamada booliska, iyadoo markaa kadibna ciidamo kasocday qaybaha kala duwan ee ciidanka boolisku ka kooban yahay ay socod gaadda ka cayaar ah ku soo bandhigeen barxadda weyn  ee ka soo horjeeda Akeedeemiyada Genaraal Kaahiye waxaana Ubax xasuus ah loo dhigaly taallo ku taal halkaas agu saaray halgamayaashii ku geeriyooday difaaca dalkooda.

  

Ugu horreyn waxaa ka hadlay goobta taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed sareeye guuto Shariif Sheekhunaa Maye waxuuna ugu hambalyeeyay qeybaha kala duwan ee ciidamada booliska sanad guurada 68 aad ee ay maanta u dabaadegayaan..

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka mudane Cabdisamad Macalin Maxamuud oo isna ka hadlay munaasabadda aas aaska ciidamada booliska ayaa ka faalooday dowrka iyo muhiimadda ay leeyihiin ciidamada baliiska iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen

Wasiirka warfaafinta boostada iyo isgaarsiinta ahna haatan ku simaha R/wasaaraha Soomaaliya Cabdulqaadir Xuseen Maxamed Jaahweyn ayaa isagoo  ku hadlaya magaca golaha wasiirada hambalyo u diray sarakiisha saraakiil xigeennada alifleyda iyo dableyda ciidamada booliiska Soomaaliyeed, wuxuuna caddeeyay ahmiyadda ay dowladdu siineeyso daryeelka ciidamada Booliiska.

    

Guddoomiyaha baarlamaanka mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isna ka mid ahaa mas’uliyiinta qudbadaha halkaas ka jeediyay ayaa sheegay in loo baahan yahay wada shaqeyn buuxda oo dhex marta booliska iyo shacabka si looga gudbo marxalada adag ee uu ku suganyahay dalka, isagoona ku boorriyay ciidamda booliska in ay dar dar galiyaan howlaha amaanka lagu sugayo oo ay u hayaan dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Kooxda fanaaniinta Heegan ee ciidanka booliska ayaa intii ay socotay munaasabadda waxay ku soo bandhigeen heeso iyo ruwaayado ay ugu dabaal dagayaan munaasabbada 68 guuradii ee ka soo wareegtay aas aaskii ciidanka booliska Soomaaliyeed.

  

Sidoo kale Madaxweynaha DFKMG ee Soomaaliya Mudane Sh Shariif Sheekh Axmed ayaa isna intuusan shalay u ambabixin magaalada Garoowe oo lagu wado inuu ka furmo wejiga labaad ee shirka wadatashiga DFKMG iyo maamul gobleedya ka jira ayaa wuxuu soo booqday xarunta Akadeemiyada biooliska ee GeneralKaahiye wuxuuna halkaas salaan sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka booliska soomaaliyeed, isla markaana wuxuu ubax dhigay isla markaana duco uga aqriyay halkaa naftii hurayaashii soo maray ciidnka booliska ee ku geeriyoodey difaaca dalkooda iyo dadkooda.

   

  

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com