WARARKA BARAAWEPOST talado 20 december 2011 

 

 

    

Ogeysiis ku saabsan xuska siyaarada Sheekh Macallin Nuuri oo lagu qaban doono Columbus Ohio

Suldaan Xaydar SuufiMunye iyo Ugaas Cabdulqaadir Amiin Loolow waxay ogeysiinayaa Jaalliyadda mujtamaca reer Baraawe iyo dhamaan jamaacada Ahlu Sunna Waljamaaca ee ku nool magaalada Columbus Ohio in  berri oo bisha december ay tahay 23 la qaban doono xuska siyaarada Sheekh Macallim Nuur waxaana lagu qaban doonaa hool ku yaal 4616 west broad st

TAARIIKH  KOOBAN EE SHEEKH MACALLIM:

Sheekh  Macallim Nuur, wuxuu wax ka bartay Caalinkii weynaa Allah ha u naxristoo Sheekh Nuureyni Axmed Saabir oo ka mid ahaa Culumadii ugu aqoonta badnayd qarnigaas ee Degmada Baraawe ku sugnaa;

Sheekh Macallim Nuur, wuxuu Caalin Mufti ah ku noqday Culuumta: Tafsiirka, Xadiiska, Fiqhiga, Axkaanta, Naxwiga, Luqada Carabiga,Falsafada iyo Diinta Islaamka. Afarta Madhab  meeshii laga su’aalo Shiikhu  jawaab  ayuu ka bixin jiray.

Waqtigii Shiikhu noolaa,  Magaalada Baraawe waxay ahayd “Xarunta Culuumta iyo Tassawufka”. Ardaydii Shiikhu wax ka bartay waxay khidmo weyn u qabteen “Fidinta Diinta Islaamka”,meel kasta oo ay gaareen (Waddanka  gudihiisa & Dibadiisaba).

Sheekh Macallim Nuur, markuu noqday Caalim 13-ka qaybood ee Diinta Islaamka ee aan qaar ka mid ah kor ku soo sheegnay, ayuu  Shiikhu gaaray martabo in uu AF Baraawe ku fasiro, kuna qoro Cilmi Faqhiga & Axkaanta, kaas oo lagu magac  daray “ZUBADI” oo micnihiisu yahay BURCAD (butter), taas oo sida runta ah u fududeeysay  Mujtamaca Reer Baraawe (yar & weyn, rag & dumarba) in ay si sahal u bartaan Cilmi Fiqhiga & Axkaamtaba.

Sidoo kale Sheekh Macallim Nuur, wuxuu ahaa Sheekhul Tariiqa, wuxuuna dadka bari jiray Cilmi Tassawufka oo la xiriira tababarka iyo nadiifinta qalbiga ilaa iyo inta uu qofku ka gaaro in uu Ilaah la hortago qalbi nabadgalay (ka nabadgalay gaalnimo, xaasidnimo, kibir  iwm.)

Sheekh Macallim Nuur, wuxuu ka tirsanaa “Dariiqada Raxmaaniya”, aqoon heer sare wuxuu u lahaa habka loo fahamsiiyo dadka caqiidada iyo tarbiyada looga baahan yahay “Muriidiinta Dariiqada” si ay uga dhawaadaan Rabbigooda, darajo sare ay ka gaaraan taqwada iyo Alla ka cabsi, Madarasadiisana waxaa ka soo baxay Muriidiin fara badan oo magac iyo sharaf aan suulaynin ku leh waddanka gudihiisa iyo Dibadiisaba, gaar ahaan Baraawe, Xamar, Jilib, Jamaame & Tuulada la yiraahdo Basra oo ka tirsan Degmada Balcad. Muriidiintaas ama Xirtaas waxaa loogu yeeraa magaca “KOOFIYAALE”.

Sheekh Macallim Nuur, wuxuu allifay Salliyaal badan oo Nabi ammaan ah iyo Qasiidooyin aan la soo koobi Karin u tiriyay Culumadeena magac, derajo iyo sharaf ku lahaayeen Wadaanka gudihiisa iyo dibadiisaba.

                                    ******************

Yaa Ahlu Sunna Waljamaa’a, yuusan ku seegin khayrka,maxaa yeelay, khatinka Siyaaradda, ayaa Asharaafta & Culimo ducayn doontaa, Ilaah noo barin doona in uu naga wada abaalmariyo shafeecada Nabigeena SCW, isla markaana uu Ilaah naga mid dhigo kuwa “Jannada la gali doona kuwa Eebe u nicmeeyay oo ah Nabiyada, Rumeeyayaasha, Shuhudada iyokuwa suuban, kuwaas oo ah wehelka fiican.

Waa Bilaahi Towfiiq.

 

  

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com