WARARKA BARAAWEPOST Sabti 23 january 2010
BAAQ XAMBAARSAN QAYLO DHAAN, KUNA SOCOTA JAALIYAADA REER BARAAWE EE QURBAJOOGA AH Walaalayaa / Saaxibayaal, Diinta Islaamka ayaa na fareysa in Muslimiinta isu gargaaraan, isuna kaashadaan khayrka iyo samafalkaba. Eebe wuxuu Qur’aankiisu ku yiri: Isu kaalmaysta samaanta iyo ilaalinta xilka iyo arrimaha Alle waajibiyey (Suura Al-Maaidah, aayadda 2-aad). Wuxuu kale oo Eebe yiri: Khayrka iyo samaha fala aad liibaantaane (Suura Al-Xaj, aayadda 77). Nabiguna (SCW) wuxuu yiri: Qof kasta oo Muslim ahi u walaal yahay qofka kale ee Muslimka ahi. Qofkii qof Muslim ah dhibaato ka saara dhibaatooyinka Adduunka ah, Allaa ka saara dhibaato ka mida dhibaatooyinka maalinta ”Qiyaamaha”. Qofkii qof danaysan taakuleeyana Allaa taakuleeya ”Aakhiro & Adduunba”. Allena addoonka waa u kaalmaynayaa inta addoonku walaalkiisu u kaalmaynayo. Sidaas darteed, waxaa la inooga baahan-yahay in mar kasta la iska warqabo (ha ahaatee waqtiga ladnaanta & dhibkaba), waxaana wanaagsan in mar kasta la ogaado dadka dhibaataysan, siiba ”Qaraabada, Ehelada & Asxaabtaba”.Allah wuxuu yiri: Naxriis & samaan waalidkaa, qaraabada, agoonta, baahnaha deriska Qaraabada kula ah iyo deriska aan Qaraabada ahayn, Saaxibkaa safarka, Masaafurka iyo addoomaha ay gacantiinu hanato”. (Suura An-Nisaa,aayadda 36-aad).Nabigana (scw) wuxuu yiri:Qofkii jecel in Riziqa loo fidiyo iyo in cimrigiisaloo dheereeyo, Qaraabadiisa ha xiriiriyo (Bukhaar & Muslim). Walaalayal / Saaxibayaal, Abaarta ee Degaanada Baraawe ka jirta ay tahay mid aad u darran, dadkana soo wajahay xaalad nolol xumo tii ugu dareed ee soo marta noloshooda, waxayna u baahan-yihiin in ”Gurmad deg deg ah” lala soo gaaro, sababtoo ah dadkaasi ma haystaan dhaqaale oo ay uga samata bixin karaan dhibaatada soo wajahday iyo badbaadinta nolol maalmeedkooda. Somaalidu waxay tiraahda: ”Jilaal waa ninkii haye” oo lola jeedo: qofkaan marka abaar adag dhacdo u badan-tahay in qofka xoolaha fiican leh uu abaarta ka baxo, qofka saboolka ah si xun buu jiilaalku u helayaa, sababtoo ah awoodiisa iyo dhaqaalihiisa aysan u fasaxin. Sida aad ka warqabtaan, shacbiga Reer Baraawe ayaa horey noloshood ugu xirnayd ka xogsiga suuqyada, beeraha, kalluumeysiga, xoolo dhaqato, lakinse xilligan meel ay ka shaqeyn karaan aysanba jirin. Tusaale:Badda waxaa ka yaraate kallunkii ay jilaabi jireen, taasna waxaa u sabab ah khayraadka badda oo fara kulul ku haya Maraakiibta Shisheeye, xoolihii waxay ku dhamaadeen daaq la’aan, biyo la’aan iyo geedihii oo ay qalaleen, waayeeyna meel ay ku harsadaan, Beeraalayda oo Masaajidyada ku soo yururey Allah ka tuugaayaan in uu Roob raxmad & naxriis wadato, dhulkana u barwaaqeeyo Cirka uga furo si tacabkooda u bilaabaan. Sidaas awgood, shacbiga R/B, waxay u baahan-yihiin ”Cawinaad deg deg ah” si loo samata bixiyo, haddii kale waxaa shaki ku jirin in muddo gaaban gudihiisa ay naftooda halis ku sugnaan doonto, maxaa yeelay, iminkan qaar ka mid ah dadka macluusha habsatay, waxaa ka muuqda ”Ifafaalo wax lagu garto dadka abaaroowe” sida. Dhiig yaraan (anaemia), Caga barar,Madax wereer iwm., intaasna waxaa keena markii qofku jirkiisu uu ka maqnaado Vitamiin & Protein ama uusan calooshiis ku ridin cunto aan nafaqo ku jirin. Walaalayaal / Saaxibayaal, Si kastaba arrintu ha u dhacdee, in Walaalaheena u gurmano waxaa waajib muqaddas inooga dhigaaya arrimaha soo socda:
Haddaba, waxaan idin ku baaqaaya, idinkana codsanaaya in aad kaalmeysaan Mujtamaceena oo dhibaataysan, noloshooda halis ku sugan aabaarta adag habsatay darteed. Dadkaasi Ilaah ka sokow, anaga oo Qurbajooga ah ay na fiirinaayaan, nagana filanaaya in aan deeq u dirno. Marka waa in aan caloosheena dhuujinaa ee Quutul-yoomigayna qaar ka mid ah ayaga aan u sadaqeeno. Eebe wuxuu yiri: Waxaad bixisaan oo nafaqo ah (SADAQO) ama aad ku nadartaan oo nadar ah Eebe waa ogyahay (Suura Al-Baqra, ayadda 270). Wuxuu kaloo uu Eebe yiri: Haddaad muujisaan SADAQAADKA waa fiican-tahay, haddise qarisaan ood siisaan FUQARADA yaa idiin khayr badan, wuuna asturi Eebe dambigiina ( Suura Al Baqr, aayadda 271). Kuwa bixiya xoolahooda habeen & dharaarba, qarsoodi iyo muuqaalba waxay ku muqan ajirkooda Eebahood agtiis, cabsina korkooda ma ahaato iyo murug midna (Al-Baqra, aayadda 274). Nabigana (scw) wuxuu yiri SADAQO wax kama dhinto Maalka, Alle wuu siyaadiyaa. Walaalayaal / Saaxibayaal, Baaqayga, codsigayga iyo casharkayga kooban ee Diiniga ah, intaas ayaa ku soo gebe-gebeeyay, waxaase raacinaaya in qofkii doonaayo in uu Walaalihiis wax ku sadaqaysto ha ku shubo A/C. BSB 306 115 027 1672 Bankwwes ( Bank of Wester Ilaahow ninka Jiilaalka i ogeyn Aaranka ha i ogeysiin. Ninka sidaan ku ducaystay wuxuu leeyahay: Waxba kuma falayo markaan ladnahay ninkaan i xiriirin markaan liitay. Waa Billaahi Towfiiq. By: Eng.Ibraahim |