WARARKA BARAAWEPOST Axad 20 may 2012 

 

 

Suldaan Xaydar Suufi oo ka qayb galay kulan ay odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta beelaha banaadiri ku yeesheen hotel Shamo

Suldaanka guud ee beelaha Baraawe ”Shangamaas,Laba Tol iyo Toore” Suldaan Xaydar Suldaan suufi Suldaan Munye Dheere ayaa maalinimadii jimcaga ahayd ka qayb galay kulan si heer sare loo soo agaasimay kaasoo ay ka soo qayb galeen siyaasiyiinta,indheergaradka iyo odayaasha dhaqanka ee beelaha Baanidiriga iyo Digil iyo Mirifle.

 

 

Kulankaas ayaa beelahii ka soo qayb galay waxay kaga doodayeen aragtidooda ku aaddan ansixinta dastuurka qabyo qoraalka ah iyo soo qaabka ay soo xulan doonaan shaqsiyaadka ansixin doona dastuurka.

 

 

Suldaan Xaydar iyo xildhibaan Maxamed Nuraani Bakar oo kulankaas ka hadlay ayaa waxay sheegeen in beelaha Digil iyo Mirfle iyo Banaadir ay ka mid yihiin shacabka soomaaliyeed ee u ooman dowladnimada sidaa darteedna ay ku daddali doonaan in odayaasha dhaqanku ay soo magacaaban doonaan dad tayo leh oo ay daacad ka tahay sidii dib loogu dhisi lahaa dowlad Soomaaliyeed oo caddaalad ku dhisan.

 

Suldaan Xaydar ayaa sheegay in odayaasha iyo salaadiinta soomaaliyeed ee uu shirku u socdo ay ka go´an tahay inay dastuurka qodob uga doodaan isla markaana wixii ka hor imanaya diinta iyo rabitaanka shacabka soomaaliyeed ay codsan doonaan in laga saaro ama wax laga beddelo intaa kadibna ay ka go án tahay inay ansixiyaan dastuurkan maaddaama dadku ay u ooman yihiin inay helaan dowlad tayo leh o oka saarta dhibaatada ay ku jiraan muddada rubuc qarniga ku dhow.

 

 

Odayaasha dhaqanka ee kulankaas ka soo qayb galay ayaa waxay sheegeen in ay suldaanka salaan uga wadaan dhamaan beelaha ku ay matalayaan waxayna sheegeen in suldaanka ay hiil iyo hooba la garabtaagan yihiin. 

  

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com