WARARKA BARAAWEPOST khamiis 20 september 2012 

 

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo sheegay in ciidamada Boolisku ay sii kordhin doonaan howlgalada ammaanka lagu sugayo

 

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed  S/gaas Shariif Sheekhuna Maye ayaa  maanta kormeer howleed oo uu ugu kuurgalayey sida ay u shaqeeyaan saldhigyada booliiska degmooyinka gobolka Banaadir ku tagay qaar ka mid ah saldhigyada booliska ee magaalada Muqdisho wuxuuna sheegay in Ciidamada Booliisku ay xoojin doonaan wixii hadda ka dambeeya howlgallada lagu xaqiijinayo sugidda ammaanka magaalada Muqdisho.

Kormeerkan howleed ee uu sameeyay taliyaha ayaa wuxuu ku gaaray saldhigyada ciidanka booliiska ee ku yaal  degmooyinka Yaaqshiid,Boondheere, Xamarweyne, Kaaraan iyo Heliwaa wuxuuna halkaas warbixinno ku aaddan sida ay u shaqeeyaan kaga dhageystay taliyeyaasha saldhigyadaas.

Taliyaha Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed S/gaas Shariif Sheekhunaa Maye oo markii uu soo gabagabeeyey kormeerkiisa howleed la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay in cadowga umadda Soomaaliyeed ay weli isku dayayaan ayagoo naf lacaari ah iney carqaladeeyaan nabadda balse ay ciidammada Boolisku laba laabi doonaan howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka Caasimadda.

“Cadowgu ayagoo naf lacaari ah ayey godad ku dhuumaaleysanayaan anagana si aan u dabar gooyno waxaan qaadi doonaa tallaabo kasta oo lagu soo afjarayo kooxahaasi, waxaanna kordhineynaa howlgallada ammaanka aan ku xaqiijineyno anagoo og in kooxahan canaasiirta ah ay sameynayaan waxkasta oo ay shacabka soomaaliyeed ku dhibaateyn karaan” ayuu yiri taliyaha ciidammada Booliiska Soomaaliyeed Major General Shariif Sheekhunaa Maye.

Gababagadii taliyaha ciidamada booliiska soomaaliyeed waxa uu ku booriyey shacabka ku nool magaalada Muqdisho iney ciidammada garab siiyaan oo ay ku gacan siiyaan gudashada waajibaadkooda qaran isaga oo xusay in hadii aanan la iskaashan aanan waxba la qaban Karin. 

  

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com