WARARKA BARAAWEPOST Khamiis 22 december 2011 

 

 

    

Amar ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha iyoamniga qaranka ee DFKMG oo ka xarimay xildhibaanada baarlamaanka inay kulamok u qabsadaan xaruntooda

 

Amar a soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee DFKMG ayaa lagu sheegay in muddo afar toodobaad ah aysan xildhibaanada baarlamaanka FKMG ee Somalia ku qabsan karin kulamadooda xarunta baarlamaanka FKMG ee Muqdisho kadib markii beryahan ay nimanka lagu sheegayo inay yihiin xildhibaanadii qaranka  ay caadeysteen in ay si ba´an oo ciyaalnimo oo kale ah isugu feeraan xarunta baarlamaanka FKMG.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee DFKMG ee Soomaaliya mudane Cabdisamad Macallin ayaa sheegay in si loo sugo ammaanka baarlamaanka iyo tan xildhibaanada aysan muddo afar todobaad ah mudanayaasha baarlamaanku xaruntooda imaan karin isla markaana ay ciidamada ammaanku amar buuxa ku qabaan inay fuliyaan amarkiisa.

Wasiirka Arimaha gudaha iyo Amniga qaranka ee Soomaaliya mudane Cabdisamea Macalin Maxamuud Sheekh Xassan oo warbaahinta kulan ugu qabtay caasimada dowlad gobleedka Soomaaliyeed ee Puntland ee Garoowe halkaasoo uu uga qaybgalayo shirka wadatashiga ee DFKMG Somalia iyo maamul gobleedyada Puntland iyo Galmudug iyo ururka Ahlu Sunna ku leeyihiin Garoowe.

Wasiirka ayaa cambaareeyey dhibaatooyinka ka dhex dhacaya xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya kuwaasoo oo noqday Fowdo aan sharci iyo Sharaf midna ilaalin waxaana uu Wasiirku sheegay in muddo afar toddobaad  ah ay joojiyeen shirarkii baarlamaanka sugidda ammaanka dalka dartiis.

Wasiirka Amniga Qaranka ee Soomaaliya Wuxuu sheegey in ay kala ilaalinayaan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya maaddaama xildhibaanadu ay maalmihii u danbeeyey caadaysteen inay gacmaha iskula tagaan ayna xaq dhowri waayaan ciidamada ammaanka ee sugaya amnigooda taasoo uu sheegey inay sharaf darro iyo sumcad dil u soo jiiday magaca Soomaaliya guud ahaan ayna si gaar ah u waxyeelaysay jiritaanka dawladnimada dalka.

 

Mudane Cabdisamad MAcallin Maxamuud wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa sidoo kale sheegay in si loo sugo ammaanka guud ee baarlmaaanka iyo tan shakhsiyadeed ee Xildhibaanada ay Wasaaradiisu go’aamisay in muddo afar toddobaad ah la joojiyey shirarkii baarlamaanka Soomaalidu ay ku qaadan jireen xaruntooda ammaanka qaranka dartiis iyo tan nafsaddooda awgeed.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inay tahay ayaan daro ah in xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay maalmihii u danbeeyey caadaysteen inay sameeyaan fowdo iyo is xaq dhowris la’aan islamarkaasna ay tixgelin waayeen ciidamadii halkaas ugu gurmaday sugidda ammaankooda ayna meherad ka dhigteen inay dagaalamaan waqtiyadii ay shirarka qaadan lahaayeen.

Haddaba si loo sugo amaanka Xildhibaada, si loo ilaaliyo sharafta dawladnimada,annagoo tixgelinayna jiritaanka dowladnimada waxaanu go’aaminay in muddo kooban oo afar todobaad ah aysan xildhibaanada Baarlamaanku isugu imaan karin xaruntooda sidaas ayeyna ciidamada ammaanku amar buuxa ku qabaan, hadii ay jirto tallaabo kale oo ay xildhibaanadu ku damaanad qaadayaan amnigooda oo ay damaanad qadayaan inaysan wax dhibaato ah ka dhici doonin kulamadooda waa inay wasaarada yimaadaan ka hor shirkooda muddo 72-Saacadood ah oo ay oggolaansho soo weydiistaan ayuu wasiirku hadalkiisa ku soo gunaanaday.

Ciidamadii Boooliska ee u tagay halkaas sidii ay u joojin lahaayeen rabshadaha iyo gacan ka hadalka dhexmaraya xildhibaanada caadeystay muddooyinka dambe inay kuraasta madaxa isaga dhacaan isla markaana aysan ka muuqan xishood iyo qiimaha uu dhiigga baniaadamku leeyahay ayaa gusdashada waajibaadkooda ciidan halkii lagu amaani lahaa ayaa waxaa dhacday qaar ka mid ah xildhibaanad baarlamaanku inay ku dhaliilaan waajibkaas ay gudanayaan.

Haddaba maaddaama uu maanta aarinkaas ka hadlay wasiirka arrimaha gudaha islamarkaana uu awaamiir cad ka soo saray farayna ciidamada boolisku inay fuliyaan awaamiirta la siiyay bal aan aragno tallaabada xigta ama hadalka ka soo yeeri doona mudanayaasheena qiimaha iyo qaayaha leh. 

 

  

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com