WARARKA BARAAWEPOST Axad 23 january2011 

 

 

Halyeey Maaxaay iyo kuwa la midka ahba guuleysta weligiin

Allah ayaa mahad oo dhan u sugnaatay,Naxariis iyo Nabadgelyo Rasuulkeenii Suubanaa(MUXAMED CSW)Diin islaamka naxariis iyo naruuro Allah ummadiisa ku maneeystay,is taakuleeynta,isu gargaarka iyo is caawiinta camal kheeyr abaal weyn iyo ajar joogto ah leh laguna liibaano If iyo Aakhiroba. 
http://www.youtube.com/watch?v=M7DHGFMLolM
 
Sida aad ku arki doontaan labadan maqal iyo muuqaal oo ku jira youtube-ka halkan ku lifaaqan waxaad si cad oo qeexan uga dheehan doonta warbixinta hawlaha iyo camal kheyrka gargaarka ku saleeysan ee wuu qabtay Halyeey-C/Casiis Maaxaay oo ah Muwaadiin Somaaliyeed oo ku dhaqan Dalka Mareykanka si gaar ahna isugu xil-qaamay caawinta dadka somaaliyeed oo xanuunada culeeyskooda lehi ku dhaceen waxna aan looga qaban kareeyn Dalkeena hooyo gudihiisa,runtii waa arrin ahamiyadeeda weyn leh mudan taageero,taakeleeyn iyo ka qeyb qaadashoba,qoraal kooban kuma qeexi karaayo kuma koobi karaayo qiimaha iyo mudnaanta camal kheeyrka Maaxaay iyo inta ka qeyb qaadata gargaarkaas Islaanimadda,bani-aadaminimadda iyo dadnimo wanaaga ku dhisan,camalkaas naxariista iyo damiir wanaaga ku saleeysan oo wuu asaasay Halyeeyga Qaran,Somaaliga xalaasha ah-C/Casiis Muuse Maaxaay(Allah ha xafido-aamiin).
 http://www.youtube.com/watch?v=6KsJ1F8LxmI
 
 
Shaki kuma jiro qof kasta Islaanimada si dhab ah u aaminsan,damiir nool leh,dadnimo ku dameeyso sida ku haboona u garanaayo ahamiyada iyo qiimaha weyn oo camal kheyrku leeyahay u si weyn ugu qushuuci doonaa hawlaha badan samafalka iyo gargaarka guulaha badan dhaliyeey oo Halyeey-Maaxaay wuu ummadda somaaliyeed u qabtay welina si wacan oo daacadnimo iyo masuuliyad ku dheehan tahay ugu dadaalaayo mudan yihiin ku dayasho iyo ka qeyb qaadasho dhab ah,waana hawsha ugu qiimaha wanaagsan,uguna kheeyrka badan uguna farxad badan oo qof bani-aadamini ah u qabto qof ama qoys somaaliyeed oo dhib ama dhibaato caafimaad daro heeyso waa kurbo ka fujiin,Fadlan si niyad sami leh,dhego furan leh, Somaalinimo leh ku dhegeeysta hadalka Shakhiyaadkan magacyadoodu hoos ku xusan yihiin oo aad ku arki doontaan youtub-ka kor ku lifaaqan:-Tusaale ahaan:-
 
-Dr-C/Casiis Muuse Maaxaay.
-Proff-Bare Sare-Saciid Saalax Axmed.
-Marwo(Qiimo Badan)-Caabiyo Ciise(Ilmo ka da'eeyso qiiro iyo daacadnimo awgeed).
-Rooble Xassan Jaamac.
-Sh.C/Raxmaan Sh.Cumar.
-Siyaad Geelle Cali iyo shakhsiyaad kaleba.
 
 
Gunaanadka qormadan gaaban laakiin qiimaha weyn leh waxaan si xurmad leh ugu
soo jeedinaayaa guud ahaanba Jaaliyada Somaaliyeed qurba jooga ah intooda ehel
kheeyrka ah,damiir nool leh sida ku haboon u garanaaya walaalnimada,ehelnimadda
iyo xiriirka asaliga ah oo ka dhexeeya dadka somaaliyeed ka qeyb qaadaan hawlaha
kheeyrka,samafalka iyo taakuleeynta dadka bukaanka ah oo Halyeey-Maaxaay ku
hawlan yahay caawintooda,weliba gacanta ku haboon laga geeysto mashruuca cusub
oo wuu hada wado ku saabsan dhismaha Isbitaalka oo ah mid ahamiyad weyn ku
fadhiya-Halyeey Maaxaay Guuleeyso,Caabiyo Liibaan,Rooble iyo Geelle garashadda
iyo dareenka wanaagsan Allah ha idiin siyaadiyo-Aamiiin.
 
 
 
-ALLAH AYAA GARGAARLEH-
-Qorre-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-sharifhassan50@hotmail.co.uk
-Jan-18-2011. 
 

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com