WARARKA BARAAWEPOST Sabti 22 january2011
Ogeysiis Ixtfaalka Mowliidka ee magaalooyinka Göteborg iyo Stockholm Ahlusunna Waljamaca ee Göteborg, waxay ugu baaqayaan Muslimiinta ku nool Dalka Sweden, gaar ahaan Magaalada Göteborg iyo Nawaaxigeeda in la qaban doono "Ixtifaalka Mawliidka Nabigeena S.C.W." maalinta Sabtida ah, Bisha Febrayona ay tahay 12-ka ee 2011,ee ku aaddan BishaRabiicul Awal 10-keeda. Xafladda Ixtifaalka Mawliidka Nabiga (scw) waxaa lagu qaban doona "Hoolka Weyn ee Medborgrhuset ee ku yaal waddada Brahegatan , 11 ee Göteborg, wuxuuna bilaaban doona saacaddu markay tahay 15:00 ee Galabnimo ah ilaa saacaddu markay tahay 21:00 ee Fiidnimo. Sidoo kale waxaa munaasbad taa la mid ah lagu qaban doonaa magaalada Stockholm 19 february 2011 oo ku beegan maalin Sabti ah Saacadda 15:00-21:00 . Waxaana munaasabddaas lagu qaban doonaa xaafadda Tensta Hoolka Shirarka ee loo yaqaan Tensta Träff. Ha mooganina in aad ka soo qayb gashaan Xafladda Ixtifaalka Mawliidka Nabigeena (scw), si aad uga faa'idaystaan barashada "Siiradi Nabiga SCW, dhegaysiga Wacdiga, Naseexada, Dardaaranka iyo Baraarujinta xagga Diinta Islaamka." Wa Billaahi Towfiiq. Waxaa Iclaamiyay Idaarada A. S. W. ee Göteborg iyo Stockholm Wixii Faah Faahin ah Kala Xiriir Telefonada kala ah : +46-700100169, +46-735670224 iyo 46-736237527 |