WARARKA BARAAWEPOST Jimce 22 July 2011 Diyaaridihii ugu horeeyay ee sida mucaawanooyinka dalka Kuweyt ugu deeqay Somalia oo maanta soo gaaray garoonka Muqdisho Waxaa maanta gegida diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho soo gaaray diyaarado laga leeyahay dalka Kuweyt kuwaasoo siday deeq isugu jirta daawo cunto iyo agab kale oo loogu talagalay in loogu gargaaro dadka ay saameeyeen abaaraha ku dhuftay qaybo ka mid ah gobolada koonfureed ee Soomaaliya, waxaana deeqdaasi ka guddoomay wafdiga kuweytiga ah guddiga gurmadka abaaraha kuwaasoo uu horkacayay wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda Gaashaandhiga mudane Cabdixakiim Fiqi. Diyaaradaha siday shixnadaha gargaarka ayaa waxa la socday safiirka Soomaaliya ee dalka Kuwait Danjire Cabdulqaadir Amiin Sheekh Abuubakar iyo agaasimaha tabarucayaasha ururka bisha cas ee dalka Kuwait Musaacid Raashid Alcinsi Madaxdii soomaaliyeed ee garoonka joogtay isla markaana ka mid ahaa dadkii lagu wareejiyay deeqdaas ayaa waxaa ka mid ahaa wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka mudane Ibrahim Isaaq Yarow, taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Shariif Sheekhuna Maye, duqa magaalada Muqdisho Maxmuud Axmed Nuur Tarzan iyo madax kale. Amiirka dowladda Kuweyt ayaa isagu dhowaan shaaciyay in dowladdiisu ay ugu deeqeyso dadka tabaaleysan ee Soomaaliyeed lacag gaareysa toban Milyan Dollar . Dowladda FKMG Soomaaliya ayaa uga mahad celisay xukuumadda iyo shacabka reer Kuweyt mucaawinada ay la soo gaareen dadka tabaaleysan, iyadoona sheegtay inay u qeybin doonto dadka ay abaaraha soo barakiciyeen ee ku sugan magaalada Muqdisho. Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo magacaabay wasiiru-dowlayaal iyo wasiir ku-xigeenno. Raiisul wasaaraha xukuumadda FKMG Soomaaliya Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta magacaabay wasiiru dowlayaasha iyo wasiir ku xigeenada xukuumadiisa waxayna kala yihiin. Waakuwan Liiska Wasiiru-dowlayaasha iyo Wasiir ku-xigeenada la magacaabay. 1-Mudane Cabaas Macalin Nuur Wasiiru-dowlaha Xafiiska Madaxweynaha. 2-Mudane Xaamid Sheekh Cali Maasheeye Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda. 3-Mudane Maxamuud Macalin Nuur Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga. 4-Mudane Maxamed Maxamuud Aadan Indha geelle Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka. 5-Mudane Sheekh Aadan Maxamed Deer Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Maalliyadda iyo Lacagta . 6-Mudane Maxamed Axmed Kaamil Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta. 7-Mudane Maxamed Axmed Kaynaan Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshedaha. 8-Mudane Saciid Jaamac Qoorsheel Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaadiidka Cirka,Dhulka,Badda iyo Dekedaha. 9-Mudane C/kaafi Macalin Xasan Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska. 10-Mudane Axmed C/laahi Xuseen Fanax iyo Mudane Xasan Maxamed Ibraahim Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda Garsoorka arimaha Diinta iyo Awqaafta. 11-Mudane C/raxiin Cabdi Abiikar Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda. 12-Mudane Maxamed Cali Catoosh Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga. 13-Mudane Khaliif C/kariin Maxamed Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha. 14-Mudane C/xakiin Cige Guuleed Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka. 15-Mudane Cali Dirir Faarax Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maalliyadda iyo Lacagta. 16-Marwo Luul Cabdi Aadan Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Arimaha Qoyska. 17-Mudane C/risaaq Daahir Maxamuud iyo Mudane Xirsi Aadan Rooble Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha. 18-Mudane Macalin Cali Aadan iyo Mudane Faysal Xuseen Daahir Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda Caafimaadka. 19-Mudane C/laahi Bille Nuur Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta. 20-Mudane Daahir Xaaji Geelle Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada,Dhalinyarada iyo Isboortiga. 21-Mudane Axmed Xasan Aadan iyo Mudane Ibraahim Shukri Sheekh Aadan Wasiir ku-xigeenada Kalluumeysiga,kheyraadka Badda iyo Bay,ada. 22-Mudane C/raxmaan Kulmiye Xirsi (C/raxmaan Dheere) Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka Cirka,dhulka iyo Dekedaha. 23-Mudane Xasan Maxamed Jimcaale iyo Mudane Ibraahim Suleymaan Xaaji Nuur Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta. 24-Mudane Xareed Xasan Cali Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud,guryeynta iyo Dib u dhiska. 25-Mudane C/laahi Dool Maxamed Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Macdanta,Biyaha iyo Batroolka. 26-Mudane C/qaadir Maxamed Barre iyo Mudane C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim (Baqdaadi) Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda Waxbarashada,Hidaha iyo Tacliinta Sare. 27-Mudane Cali Nuur Ducaalle Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga. Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com |