WARARKA BARAAWEPOST Isniin 23 june 2012 

 

 

 

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo sheegay inuu ka  mid yahay musharaxiinta  ku tartami doona  qabashada xilka madaxtinimada dalka .

Madaxwaynaha dowladda FKMG Somalia mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa si rasmi ah  u sheegay in uu ka mid yahay musharixiinta bisha August ee 2012 ku tartami doona qabashada xilka madaxweynenimo ee dalka Somalia.

Madaxweynaha ayaa mowqiifkiisa ku caddeeyay wareysi uu magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ku siiyay wakaaladda wararka ee dalka faransiiska ee AFP .

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kala sheegay inuu wax badan ka beddeli doono xaaladda dalka Somalia haddii shacabka soomaaliyeed ay mar kale fursad u siiyaan hoggaaminta dowladda la soo dhisi doono bisha august ee sannadkan 2012.

Madaxwaynaha dowladda KMG ayaa sidoo kale beeniyay hadalada ay dadku isla dhexmarayaan ee ah in madaxweynuhu uu ka gaabsaday inuu beesha caalamka wax kala qabto la dagaalanka waxa loo yaqaano argigixisada iyo inuu ku guul daraystay soo celinta nidaamka iyo kala dambaynta.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in laga soo bilaabo tan iyo markii loo doortay xilka madaxtinimada DFKMG oo ke beegnayd 31 January 2009 uu wax badan qabtay iskuna mashquuliyay la dagaalanka argigixisada iyo inuu horumar gaarsiiyo dalka iyo dadka Somaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn sheegay in haatan la joogo waqtigii laga shaqayn lahaa dib u dhiska dalka iyo ka shaqaynta horumarka dalka Somalia dib u dhiska ciidamo qaran oo tayo leh si loo adkeeyo loona dhowro  sharciga sababtoo ah madaxweynuhu wuxuu tilmaamay in haddii wax sharci ah uusan jirin aysan suurto gal ahayn in laga shaqeeyo horumar oo waa in marka hore la helaa sharci kala xaddida dadka .

Hadalkan uu madaxweynuhu ku sheegay inuu ka mid yahay musaharixiinta u taagan dooraashada madaxtinimda Somalia ee dhici doonta bisha august 2012 ayaa waxay meesha ka saraysaa hadalo ay beryahan qorayeen qaar ka mid ah saxaafadda oo ay ku sheegayeen in wakiilada beesha caalamka e eka qayb galaya shirka saxiixayaasha road mapka uga socday Nairobui ay ku wargeliyeen madaxweynaha iyo raiisal baarlamaanka iyo raiisal wasaarahaba inaysan u soo sharixin qabashada xilalaka ugu sareeya ee dalka Somalia.

Halkan hoose ka aqriso warbixintii ay qortay wakaaladda wararka ee AFP iyadoo ingiriis ah.

 

Somalia's Sharif to stand for new term as president

   MOGADISHU - Somalia's President Sharif Sheikh Ahmed said Thursday he would stand as a candidate for a new term in office, two months ahead of his job coming up for renewal.

 

"My services are available to Somalia if I am trusted with the job for another term," Sharif told AFP on the sidelines of meetings with representatives of the international community in the Kenyan capital Nairobi.

 

Somalia's fragile transitional institutions have to be renewed in the next two months, with a new parliament due to elect a new president by August 20, according to a calendar backed by the international community.

 

The calendar is supposed to take Somalia into a new era of political stability, the Horn of  Africa country having been without a central administration since the ouster of former  president Siad Barre in 1991.

 

Elected by the current parliament on January 31, 2009, Sharif Sheikh Ahmed, 47, is criticised both inside Somalia and behind closed doors by the international community for having dragged his feet in the fight against graft and not having done enough to restore law, order and basic services.

 

"During my presidency I dedicated my efforts mainly to fighting terrorism that had become a dangerous phenomenon in the region," Sharif said.

 

"The time is coming to build the nation. Lawlessness will have no space in the future."

 

Somalia's Al-Qaeda linked Shebab rebels have been forced to abandon their positions in the capital in recent months by an African Union force fighting together with the fledgling Somali army and 

  

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com