WARARKA BARAAWEPOST Khamiis 26 July 2012
Xeradii ciidanka Daraawiishta ee magaalada Muqdisho oo dib loo dayactiray Madaxweynaha DFKMG Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta xarigga ka jaray xeradii ciidamada daraawiishta ee Cagadhiig ee ku taal degmada xamar jajab ee magaalada Muqdisho. Munaasabaddii maanta xarigga looga jarayey xeradaas kadib markii dib loo dayactiray muddo 22 sano ah ka dib ayaa waxaa goob joog ka ahaa taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed S/Gaas Shariif Sheekhunaa Maye, wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha Cabdi Cali Axmed, kooxda baambeyda ee ciidanka Booliska iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada qalabka sida.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu halkaas ugu horeyn salaan uga qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada booliska, xarig jarka ka dibna waxa uu madaxweynuhu mid mid u kormeeray dhismaha xaruntaasi.
Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed S/gaas Dr Shariif Sheekhunaa Maye oo isna hadal ka jeediyay munaasabaddaas ayaa waxa Madaxweynaha uga warbixiyay una sharxay qaabkii ay ugu suura gashay dhismaha xaruntani wuxuuna hadalkiisa ku soo gunanuday dardaaram uu ciidamada booliska kula dardaarmay in ay waajibaadkooda si hufan u gutaan.
Sidoo kale waxa isna goobta ka hadlay wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka mudane Cabdi Cali Axmed waxa uuna tilmaamay in ay wasaarada amniga Qaranka ay diyaar u tahay in ay gacan ka gaysato wax walba oo amaanka quseeya.
Ugu dambeyntii waxaa halkaaas hadalo kooban ka jeediyay madaxweynaha DFKMG ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed kaasoo sheegay in dowladdiisu ay si gaar ah isha ugu hayso dib u dhiska iyo tayaynta ciidamada booliska wuxna ku guubaabiyay in ay u adeegaan shacabka si ay uga hortagaan wax yaabaha amaanka lidka ku ah si ay u muujiyaan kartidooda.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan lana shaqeeyaan ciidamada booliska si looga ilaaliyo waxyaabaha amaaan darada u keenaya. |