WARARKA BARAAWEPOST Isniin 27 february 2012 

 

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Shariif Sheekhuna Maye oo soo kormeeray goobihii ay saaka howlgaladu ka socdeen

 

Howlgallo aad u ballaaran oo la mid ah kuwii ay beryahan ciidamada isku dhafka ah ee DFKMG ka wadeen degmooyinka gobolka Banaadir ayaa saaka waaberigii sidoo kale ciidamo isku dhaf ah oo isugu jira Boolis, nabad sugid iyo militeri waxa ay ka sameeyeen degmooyinka Boondheere iyo Shibis ee gobolka Banaadir waxaana intii uu howlgalku socday ay ciidamada DFKMG gacanta ku soo dhigeen  dad ku dhow 20-ruux kuwaasoo qaar  ka mid ah lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin maleeshiyooyinka taageersan xarakada Al Shabaab. 

Ciidamada dowladda ayaa waxa ay mid mid u baarayeen guryaha iyo goobaha ganacsi ee ee  ku yaala degmooyinka ay maanta howlgaladu ka socdeen.

Ciidamada howlgalada fulinyay ayaa madaxdii hor kacaysay waxay xarunta degmada Shibis kusoo bandhigeen hub isugu jira kuwa fudud iyo qoryaha garabka laga rido, dareeska ciidamada dowladda iyo sidoo kale caagag waaweyn iyo fuustooyin ay ka buuxaan waxyaabaha maanka dooriya. 

Taliye ku xigeenka qeybta guud ee ciidanka booliska Soomaaliyeed ee gobolka Banaadir G/le sare Cali Max’ed Cali oo goobtaas kula hadlay saxaafadda ayaa sheegay in howlgalladan ay ahaayeen kuwa soconayay in muddo ah islamarkaana loogu talagalay in loogaga sifeeyo magaalada Muqdisho haraadiga kooxaha wali amni darida ka wada degmooyinka gobolka Banaadir. 

Taliyaha ciidamada nabad sugidda ee gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg oo isna ka hadlay howlgalladan maanta socday ayaa waxa uu sheegay in hadda iyo wixii ka dambeeya ammaanka degmooyinka gobolka Banaadir uu yahay mid la isku haleyn karo. 

Waxaa sidoo kale degmooyinka ay howlgalladu ka socdeen maanta kormeero ku sameeyay Taliyaha Ciidamada booliska dowladda KMG Jeneral Shariif Sheekhunaa Maye,Taliyaha Hay’adda baarista dambiyada ee ciidanka booliska CID G/sare C/laahi Xasan Bariise,Taliyaja qaybta ilaalinta waddooyinka G/le sare Cali Gaab iyo taliyaha guutada 1aad ee ciidamada mileteriga G/sare Maxamed Maxuud Saney  waxaana taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed oo goobtaas ka hadlay uu sheegay inay sii socon doonaan howlgalada noocan ah tan iyo inta laga xaqiijinayo ammaanka caasimadda iyo guud ahaan dalka oo dhan  wuxuuna shacabka ugu baaqay iney la shaqeeyaan ciidamada DKMG kuna soo war geliyaan hadii ay arkaan dad dhibaato ka shaqeynay. 

  

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com