WARARKA BARAAWEPOST talaado 27 march 2012 

 

 

Taliyaha Ciidanka Booliska oo ka soo laabtay safar shaqo ah oo uu ku tagay UAE iyo Kenya.

Taliyaha ciidanka booliska soomaaliyeed ee DFKMg S/guuto Shariif Sheekhuna Maye ayaa sahalay dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu soo dhamaysatay socdaal shaqo oo uu ku gaaray dalalka Kenya iyo Isu tagga Imaaraadka Carabta.

        

Taliyaha oo ay safarkiisa ku weheliyeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha mudane BAshiir Goobe iyo Madaxa laanta socdaalaka ee DFKMG ee Somalia Gen Gaafow ayaa waxay dalka isutagga imaaraadka carabta uga qayb galeen bandhig workshop ah oo ay soo bandhigayeen ciidamada booliska ee imaaraatka.

          

Waxaana bandhiggaas kadib uu taliyuhu kuklamo la qaatay qaar ka mid ah taliyeyaasha ciidanka booliska ee imaarataaka iyo amiirka Dubai.

Intaa kadib waxay taliyaha iyo madaxdii kale ee la socotay ay socdaal shaqo ah ku tageen magaalada Nairobi ayagoo halkaa kulamo kula yeeshaay qaar ka mid ah madaxda hayadaha qaramada midoobey iyo kuwa dalalka Yurub ee u xilsaaran inay gacan ka gaystaan horumarinta iyo dibu dhiska ciidanka booliska Soomaaliyeed

 

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com