WARARKA BARAAWEPOST Jimce 28 september 2012 

 

 

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo howlgalo ballaaran xalay ka fuliyay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho

Taliska ciidanka Boliiska ee gobolka Banaadir ayaa faah faahin ka bixiyey howlgallo ay xalay ka sameeyeen degmooyin ka mid ah gobalka Banaadir,  iyadoo howlgaladaasina lagu soo qabqabtay hub iyo dad amniga liddi ku ah.

Taliyaha qeybta guud ee gobolka Banaadir jeneral  Axmed Xasan Maalin ayaa ka warbixiyay howlgalkaas ay ciidamada booliisku xalay ka sameeyeen degmooyinka Xamar Jajab, Waaberi iyo Yaaqshiid, wuxuuna sheegay in howlgalkaasi lagu soo qabtay kooxo amnidarro ka waday degmooyinkaasi.

‘’howlgalka ay ciidamadu ka sameeyeen degmooyinkaasi ayaa lagu soo qabtay rag ay booliisku baadigoobayeen iyo kuwa kale oo la rumeysanyahay in ay ka tirsanyihiin shabaab, laakiin baaritaan ayaa la marsiinayaa oo ciddii dambi lagu helana sharciga ayaa la horgeynaya’’ ayuu yiri jeneral Axmed Xasan Maalin.

Jeneral Maalin oo hadlkiisa sii wata ayuu intaasi ku daray in ay sii socon doonaan howlgallada noocan ah oo lagu sugayo ammaanka caasimadda, wuxuuna ka codsaday shacabka in ay la shaqeeyaan ciidamada Booliiska oo ay soo sheegaan haddi ay arkaan fal kasta oo lagu carqaladeynayo ammaanka.

Waxaa howlgaladan xalay laga sameeyay degmooyinkaas ka tirsan magaalada Muqdisho barta hoggaanka ciidanka Booliska ka hagayay Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed S/gaas Shariif Sheekguna Maye kaasoo sidoo kale mararka qaarna ka soo baxayay barta hoggaanka isagoo kormeer ku samaynayay saldhigtyada Booliska ee ku yaal degmooyinkaas si uu ugu kuurgalo isla markaana uu indhahiisa ku soo arko qaabka uu usocdo howlgalkaasi.

 

 

 

  

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com