WARARKA BARAAWEPOST Khamiis 29 december 2011
Nin ajnabi ah oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Belgium isla markaana ahaa madaxii dhanka logistikada ee hayadda MSF ayaa galabta lagu dilay xarunta ay hayaddaasu ku leedahay magaalada Muqdisho. Waxaa jira warar hor dhac ah oo laga helayo dilka ninkaas oo sheegaya in shaqsigii dilka geystay uu ka mid ahaa shaqaalaha hayaddaas , sidoo kale sida wararku sheegayaan waxaa jira qof kale oo ku dhaawacmay shilkaas. Wixii warar dheeraad ah dib ayaan idinka soo gudbin doonaa. |