WARARKA BARAAWEPOST Jimce 29 june 2012 

 

 

 

Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliyeed oo tababar loogu qaaday waddanka Turkey 

 

Dufcadii ugu horeysay oo ka kooban saraakiil ,saraakiil xigeen iyo dabley kawada tirsan ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa maanta ka ambabaxay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde International Airport ee magaalada Muqdisho kuwaasoo tababar loogu qaaday dalka Turkiga.

Ciidamadaas saaka Muqdisho ka ambabaxay ayaa tiradoodu waxa ay gaareysaa 80 waxaana ay yihiin qeybtii ugu horeysay ee ka qayb gasha tababar dhanka ciidanka ah oo dowladda Turkigu ay u ballanqaaday inay u fidineyso ciidanka Booliska Soomaaliyeed dowladda FKMG xill uu waddankaas shir caalamai ah uga qayb galayay Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Shariif Sheekhuna Maye.

   

Taliyaha Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Shariif Sheekhuna Maye oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in saraakiishaan iyo ciidammadan laga qaaday imtixaanaad ayna ku guuleysteen hadda tababar bilooyin ah ay kusoo qaadan doonaan dalka Turkiga.

Ciidamadan ayaa waxaa saaka ay ka raaceen gegida diyaaradaha ee Muqdisho diyaarad ay leedajhay shirkadda diyaaradaha ee Turkish Airways.

    

  

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com