WARARKA BARAAWEPOST Sabti 29 september 2012 

 

 

Wasiirka arrimaha gudaha iyo taliyaha ciidanka booliska oo xalay saqdii dhexe kormeeray dhamaan saldhigyada booliska ee Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/samad Macalin Maxamuud iyo Taliyaaha ciidanka boliska soomaaliyeed S/Gaas Shariif Sheekhuna Maye ayaa habeennimadii xalay aheyd kormeer howleed ku tegay dhamaan saldhigyada ciidanka booliska iyo isgoysyada waaweyn ee magaalada Muqdisho. kormeerkaas oo ay ugu kuurgalayeen inay indhahooda ku soo arkaan sida ay xiliga habeenkii ah u shaqeeyaan Ciidammada Ammaanka iyo qaabka uu ku socdo howlgalka lagu sugayo amniga ee habeenadan sida joogtada ah uga socda degmooyinka uu ka kooban yahay gobolkan Banaadir.

        

Mudane C/samad Macalin Maxamuud Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka  iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xalay waxa kormeerkooda uu bilowday wixii ka dambeeyey 12kii saqdii dhexe ee xilliga Muqdisho kaasoo ay wadeen illaa iyo intii saacaddu ka soo gaaraysay saddexdii habeenimo ama sagaal saac habeenimo hadba sida qof walba uu u yaqaano.

         

Madaxda ayaa tagay inta badan saldhigyada degmooyinka iyo isgoysyada gobolka Banaadir ayadoo goob walba oo ay tagaan ay warbixin kaga dhageysanayeen saraakiisha ciidammada ee hogaamineysay howlgaladaas lagu sugayo amniga magaalada caasimadda ee Muqdisho . Goobihii ay kormeerka ku tageen wasiirka iyo taliyaha ciidanka boliska waxaa si wadajir ah uga howlgalayay ciidammo ka kala tirsan Booliiska iyo Nabad Sugidda Qaranka.

      

Intii ay madaxdu kormeerka ku guda jireen waxa ay mid ka mid ah isgoysyada magaalada kula kulmeen Taliyaha Nabad Sugidda gobolka Banaadir Mudane Khaliif Axmed Ereg iyo Taliyaha Booliiska gobolka Banaadir jeneral Axmed Xasan Maalin oo labaduba warbixinno ku aadan sida uu amnigu u socdo siiyey.

Wasiirka arrimaha gudaha Mudane C/samad Macalin Maxamuud  iyo taliyaha ciidanka boliska S/gaas Shariif Sheekhuna markii ay kormeerkooda soo gabagabeeyeen kadib ayaa waxa uu wasiirku wareysi siiyey weriyeyaal ka socday warbaahinta isagoo uga warbixiyey u jeedada kormeerkooda xiliga habeennimada ah waxaana uu ku tilmaamay in arintan looga gol leeyahay sida ay Ciidammadu habeenkii u shaqeeyaan.

     

Mudane C/samad Macalin Maxamuud  ayaa waxa uu sheegay inay ku soo arkeen goobaha ay kormeereen ee saldhigyada booliiska iyo isgoysyada wax lagu farxo ciidammo habeen iyo maalin u taagan inay dalkooda iyo dadkooda u shaqeeyaan wuxuuna yiri waxaan ugu bogaadinayaa sida ay shaqada u wadaan,waxaanna hay’adaha amniga ka go’an iney laba jibaaraan dadaalkooda mar hadii ay argigixisadu habeen iyo maalin ku fekereyso iney shacabka dhibaateyso .

    

Kormeerkii ay xalay sameeyeen Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka iyo taliyaha ciidanka boliiska soomaaliyeed ayaa soo gebageboobay gelinkii dambe ee xalay abbaarihii saddexdii ”sagaal saac” ayadoo talaabadanna ay qeyb ka tahay dadaallo dheeraad ah oo habeennadii aynu kasoo gudubnay ay bilaabeen Ciidammada Qalabka Sida kuwaasi oo looga gol leeyahay adkeynta ammaanka Caasimadda waxaana sidoo kale xusid mudan in intii uu kormeerkaasi ku guda jirey wasiirku uu la kulmay dad si nabad ah ugu ganacsanayey isgoysyada Caasimadda.

      

  

Shabakadda warbaahinta ee Baraawepost  Muqdisho Somalia webmaster@baraawepost.com