WARARKA BARAAWEPOST isniin 2 april 2012
Shir sanadeedkii ururka isbahaysiga ummadda soomaliyeed ee Sweden oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Stockholm Shirweynihii Sanadlaha ahaa ee Dalada Isbaheysiga Umadda Soomaaliyeed kiisii 18-aad oo Mudo Laba Maalin ah ka socday Magaalada Stockholm ee Wadanka Sweden ayaa la soo gaba gabeeyay Maanta oo Axada ah: Shirweynahaan oo Sanadkiiba mar la qabto ayaa sanadkaan ahaa mid Doorasho ah sida caadiga ah Labadii Sanadba mar ayaa la qabtaa Doorashada Hogaanka Dalada Ururka Isbaheysiga Umadda Soomaaliyeed ayaa Sanadkaan waxaa mar labaad Hogaanka Doorashada ku guuleestay oo dib loo doortay Hogaankii Labadii Sano ee la soo dhaafay shaqeynayay. Guddiga Doorashada ayaa waxuu sheegay in Shaqo Wanaag iyo Howl Daacadnimo iyo Somalinimo ah kadib laga codsaday Hogaankii Dalada Isbaheysiga Umadda Soomaaliyeed ee uu Gudoomiyaha u yahay Mr Abdullahi Ma’ollim in mar labaad ay sii hayaan Xilka Labada Sano ee soo socota sidaana waxaa lagu ansaxiyay codkii ugu badnaa ee ka soo qeyb galayaasha iyo Ururada hoos imaada Dalada Isbaheysiga Umadda Soomaaliyeed . Shir Sanadeedka Dalada Isbaheeysiga Umadda Soomaaliyeed ayaa Sanadkaan waxaa lagu Casuumay Marti ka kala timid Dunida Dacaladeed Waxaana ka mid ahaa Wasiirka Qorsheynta Qaranka ee Dowlada KMG Dr Abdullahi Goodax Barre, Duqii hore ee Gobolka Banaadir Dr Abdullahi Musse iyo Safiirkii hore ee Somalia u fadhin jiray Wadanka Hindia Ambassador Mohamed Osman Omar, Shukri Said oo ka timid dalka talyaaniga isla markaana guddoomiye u ah ururka Migrare iyo marti kale oo aad u fara badan. Ugu Dambeyntii Shirka ayaa waxaa lagu sharfay in ay si wada jir ah u soo gaba gabeeyaan Wasiirka Qorsheynta Qaranka ee Dowlada KMG Mr Dr Abdullahi Goodax Barre & Safiirkii hore ee Somalia Wadanka Hindia Ambassador Mohamed Osman Omar oo hadalo guubaabo iyo dardaaran ah ku soo xiray Shir Sanadeedkii 18-aad ee Dalada Isbaheysiga Umadda Soomaaliyeed oo laba maalin ka socday Caasimada Wadanka Sweden ee Stockholm. Xoghayaha Warfaafinta ee Dalada Isbaheysiga Umadda Soomaaliyeed Mr Ibraahim Hassan “Qalinlle ” oo la hadlayay markii uu soo dhamaaday Shirka Saxaafada ayaa sheegay in Shir Sanadkii 18-aad u ku soo gaba gabooday sidii loogu tala galay waxuuna ugu horeyn u mahad celiyay bahda Warbaahinta iyo Martida ka soo qeyb gashay shirka Sanadkaan. |